Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dadaallada ay DF kusoo deynayso Soomaalida ku xiran Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Jiddah (Caasimada Online) – Qunsulka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa la yeeshay kulan muhiim ah guddoomiyaha gobolka Najraan, Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Sacuudiga. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada gobolka Najraan, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii xal waara loogu heli lahaa arrintaasi.

Taliyaha xabsiga gobolka Najraan ayaa isna kulanka goob joog ka ahaa, taasoo sare u qaadday muhiimadda kulanka.

Qunsulka ayaa caddeeyay in kulanku uu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana lagu lafa-guray fursadaha sharciyeed ee u bannaan si loo sii daayo ama loo cafiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee xiran. Soomaalida ku xiran Sacuudiga ayaa isugu jira qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo kuwa aan weli maxkamad la horgeynin.

Xaaladda maxaabiista xiran

Kulanka kadib, Qunsul Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa booqday qaar ka mid ah xabsiyada gobolka Najraan si uu si toos ah u arko xaaladda nololeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran. Wuxuu la kulmay qaar ka mid ah maxaabiista, isagoo xog-ogaal u noqday duruufaha ay ku sugan yihiin.

Qunsulka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii muwaadiniintaasi xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen, ama ugu yaraan loogu suurtagelin lahaa in lagu wareejiyo dalkooda hooyo. Wuxuu xusay in arrintani ay u baahan tahay wada-shaqeyn rasmi ah oo dhexmarta labada dowladood.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Qunsulka ayaa tilmaamay in marar badan ay socdaan wada-hadallo rasmi ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga si xal looga gaaro arrinta maxaabiista. Wuxuu rajo ka muujiyay in dadaalladaasi ay dhali doonaan miro muuqda.

“Waxaa muhiim ah in la helo hannaan lagu mideysan yahay oo maxaabiistan lagu siideyn karo ama ugu yaraan loo fududeyn karo in dalkooda dib loogu celiyo,” ayuu yiri Qunsul Cabdweli Xirsi Cabdulle. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Sacuudiga ay muujisay diyaar garow dheeri ah oo ku saabsan arrintan.

Sidoo kale, Qunsulka ayaa carabka ku dhuftay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Sacuudiga aysan ka quusan rajada, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay si joogto ah ula socoto xaaladooda, islamarkaana ay la shaqeyneyso madaxda Sacuudiga si xal rasmi ah loogu helo.

Inkastoo dadaallo hore la sameeyay aysan dhicin in gebi ahaanba la soo daayo maxaabiista, Qunsulka ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo dadaallada haatan socda. Wuxuu uga mahad-celiyay madaxda Sacuudiga wada shaqeynta ay muujinayaan.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ka codsatay Boqortooyada Sacuudiga in ay tixgelin gaar ah siiso maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran gudaha dalkaas. Qunsulka ayaa carrabka ku adkeeyay in rajada laga qabo arrintan ay haatan ka wanaagsan tahay sidii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this