Deeq A. Posted Saturday at 03:00 AM Dimishiq (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa Jimcihii sheegtay in Maraykanku uu ku dhowaad kala barayo tirada ciidamada uu ku leeyahay Suuriya, taasoo ka dhigan inay hoos uga dhacayaan 1,000 askari bilooyinka soo socda. Maraykanka ayaa muddo sanado ah ciidan ku lahaa gudaha Suuriya, isagoo qeyb ka ahaa dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish, oo ka dhalatay fowdada dagaalka sokeeye ee dalkaas, kuna fidisay dhul ballaaran oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq in ka badan toban sano ka hor. In kasta oo kooxda xagjirka ah ee Daacish ay guul-darrooyin waaweyn kala kulantay labada dal, haddana weli waxay khatar ku yihiin gobolka. “Maanta, wasiirka difaacu wuxuu faray in la mideeyo ciidamada Maraykanka ee Suuriya… laguna ururiyo meelo gaar ah,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell, isagoo aan sheegin meelaha lagu wareejin doono. “Tallaabadan si qorsheysan oo xaalad-ku-xiran loo qaaday waxay hoos u dhigi doontaa tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ilaa ka yar 1,000 askari bilaha soo socda,” ayuu yiri. “Inta hawshan mideynta ay socoto… Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) wuxuu sii wadi doonaa duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo waxa ka haray kooxda Daacish ee Suuriya,” ayuu Parnell sii raaciyay. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo dheer shaki ka muujinayay joogitaanka Maraykanka ee Suuriya, isagoo amar ku bixiyay in ciidamada laga saaro muddadii uu xilka hayay, inkasta oo ugu dambeyn uu ciidamo dalkaas ku reebay. Markii Islaamiyiinta ah ay weerar degdeg ah kusoo qaadeen bishii December ee sanadkii hore — taasoo keentay in la rido madaxweynihii Suuriya Bashaar al-Asad — Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uusan faragelin doonin. “Suuriya waa qalalaase, mana aha saaxiibkeen, WAA INAAN MARAYKANKU AAN WAX SHAQO AH KU YEELAN. TANI MA AHAN DAGAAALKEENA,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada, isagoo markaas ahaa madaxweyne la doortay. Sanado dagaal lagula jiray Daacish Weerarkii ay kooxda Daacish billowday 2014-kii ayaa ku kallifay Maraykanka inuu hoggaamiyo olole cirka ah oo taageero siinaya ciidamada dhulka ee maxalliga ah — gaar ahaan xoogagga SDF ee ay hoggaamiyaan Kurdi-da iyo ciidamada dowladda Ciraaq. Maraykanku wuxuu sidoo kale diray kumannaan askari oo tababar iyo taageero siiya ciidamada deegaanka, waxaana mararka qaar ciidamadiisu si toos ah ula dagaallameen kooxda. Sanado dagaal dhiig badan ku daatay kaddib, ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ku dhawaaqay guul kama dambeys ah oo ka dhan ah Daacish bishii Diseembar 2017, halka SDF ay ku dhawaaqday burburka “khilaafadii” kooxda bishii Maarso 2019, markaasoo ay la wareegeen saldhiggeedii ugu dambeeyay ee Suuriya. Hase ahaatee, kooxdu weli waxay dagaalyahanno ku leedahay baadiyaha Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo ciidamada Maraykanku ay muddo dheer fulinayeen weerarro iyo howlgallo si looga hortago in kooxda dib usoo xoogeyso. Maraykanku wuxuu kordhiyay weerarada uu ku qaado Daacish gudaha Suuriya kaddib markii la riday madaxweyne Asad, inkasta oo dhawaan diiradda la saaray weerarro lagu beegsanayo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo tan iyo dhammaadkii 2023 weerarayay maraakiibta caalamiga ah. Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa si joogto ah loogu bartilmaameedsaday weerarro ay qaadeen kooxo xiriir la leh Iran, kaddib markii uu qarxay dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023, hase yeeshee Maraykanku wuxuu si xooggan ugu jawaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo xiriir la leh Tehran, taasoo keentay in weeraradu yaraadaan. Sanado badan, Maraykanku wuxuu sheegayay inuu ku leeyahay 900 askari gudaha Suuriya, iyada oo qeyb ka ah la dagaalanka Daacish. Balse Pentagon-ku wuxuu bishii December 2024 shaaciyay in tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ay labalaabantay horaantii sanadka, una korodhay illaa 2,000 askari. Inkasta oo Maraykanku hoos u dhigayo tirada ciidamada Suuriya, Ciraaq ayaa Iyana dalbatay in la soo afjaro joogitaanka isbahaysiga Maraykanka ee dalkiisa, halkaasoo Washington ay sheegtay inay ku leedahay 2,500 askari. Maraykanka iyo Ciraaq waxay shaaciyeen in howlgalkii milatari ee isbahaysiga uu si rasmi ah uga dhammaanayo dhulka dowladda dhexe ee Ciraaq dhammaadka 2025, halka gobolka Kurdistaan ee is-maamulku uu ku egyahay bisha Sebtembar ee 2026. Share this post Link to post Share on other sites