Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Xamza ku eedeysay arrin xasaasi ah oo dhacday kadib booqashadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd dagaalkii Khamiistii dhex maray ciidamadeeda iyo maamulka SSC-Khaatumo ee ka dhacay deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag.

Bayaan ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayay ku sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo dhawaan booqday magaalada Laascaanood, uu door ku lahaa abaabulka rabshadaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xasilooni darro ka abuuro Somaliland.

“Ficilladan waxay halis weyn ku yihiin xasilloonida gobolka, waxayna baal marsan yihiin mabaa’diida madax-bannaanida iyo wada noolaanshaha nabadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Inkasta oo Somaliland ay weligeed ahayd tiir nabadeed iyo iskaashi ku dhisan Geeska Afrika, hurinta colaadda waxay carqaladeynaysaa dadaallada socda ee xasilloonida gobolka lagu sugayo.”

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay in Somaliland ay ka go’an tahay difaaca waxa ay ugu yeerto midnimada dhulkeeda, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga hortagto xasaradaha sii kordhaya.

Dhankiisa, maamulka SSC-Khaatumo ayaa Khamiistii fiidkii soo saaray bayaan uu ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay weerar ku qaadeen dad reer guuraa ah oo ku sugan gobolka. Maamulka ayaa mar kale ku celiyay in uu ka go’an yahay difaaca dadkiisa iyo dhulkiisa.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo ay sare u kacday xiisadda la xiriirta gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) – kuwaas oo ay SSC-Khaatumo sheegato inay maamusho, balse ay Somaliland iyo Puntland labaduba sheegtaan.

Colaaddan ayaa dib u qaraxday kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre dhawaan ku tegay Laascaanood, caasimadda maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, halkaas oo uu ballanqaaday taageero iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Dagaalka labada dhinac ayaa si xawli ah u kordhay tan iyo horraantii 2023, kaddib kacdoon shacabka ah oo ka dhacay Laascaanood, kaasoo sababay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this