Jacaylbaro Posted November 5, 2008 Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta lagu qabtay xaruntii Madaxtooyada , Waxa la isku raacay in maalinta 29-kii October loo aqoonsado maalin Qaran oo xasuus iyo tix-gelin ka mudan ummada reer Somaliland. Shirkaasi Golaha Wasiirada oo uu gudoominayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , goob joogna ka ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wasiiro badan oo ka tirsan xukuumada Somaliland , waxa si qoto dheer loogu qaadaa dhigay dhacdadii foosha xumayd ee Argagaxisadu ka fulisay saddex goobood oo ay ka mid tahay Madaxtooyada Somaliland , Xarunta Ganacsiga ee Itoobiya iyo Xafiiska Laanta QM ee UNDP. Madaxweynuhu isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu sheegay in ay tahay dhacdo inagu cusub oo aan weli hore uga dhicin Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo kuwo taa la mid ah aynu ka hor tagnay in ay dalka ka dhacaan, sidaasi daraadeed waxa lagama maarmaan ah in shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay ka gaashaantaan dhacdooyin kuwaasi la mid ah in ay dalkeena laga fuliyo, meelna looga soo wada jeesto Nabad gelyada iyo xasiloonida dawlad iyo shacbiba. Waxa shirka lagu go’aamiyay in maalinta 29-ka October loo aqoonsado maalin Qaran oo lagu xuso taariikhda dalka. Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu shirka kaga dhawaaqay in uu ka noqday Cafiskii uu hore u siiyay Maxaabiistii u xidhnaa Falalka Argagaxisada ah, iyaga oo xukunkoodii hore sidii uu hore u ahaa loo fulin doono. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal kooban ka jeediyay Shirka waxa isaguna uu tilmaamay in nimanka dhacdadaasi fuliyay ee Argagaxisada aanay ahayn dad muslim ah , oo ka fog diinta, isla markaana waxa uu ka digay in ay marin habaabiyaan dhalinyaradeena iyo faca soo koraya oo aanay ka dhaadhicin Diin khaldan. Waxa kale oo Guddida Nabad gelyada oo hadda gacanta ku haysa baadhistii dadkii dhacdadaasi argagaxisada ah ka dambeeyay , waxa ay shirka ka sheegeen in ay meel fiican arrintu u marayso , raadkeediina hayaan , iyagoo sida ugu dhakhsaha badan ummada u sheegi doona go’aamada baadhistaasi ka soo baxa. Gabo gabadii waxa shirka golaha Wasiiradu isku raaceen in la qaado waxa alle iyo wixii tallaabooyin ah ee ku haboon sidii loo xoojin lahaa Nabad gelyada Jamhuuriyadda Somaliland Alla Mahad leh Siciid Cadaani Mooge Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted November 5, 2008 Summary duqa,,,,why 29 October? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2008 Norf, it is the day of the suicide bombs. It has been decided by the counsil of the ministers that the day will be a national day and included in the Somaliland history. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted November 5, 2008 Over the top I think. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted November 5, 2008 Another off day for you, lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted November 5, 2008 Too much..To much.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2008 Not a holiday ,,, Just another day to remember. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted November 5, 2008 More like pre-election gimmick Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2008 Adiga election baa ku waalay ........ Nobody is talking about election maalmahan, arrintu way ka wayntahay. whoever comes to the presidency will mark the day. It is just for rememberance and teaching the future generations. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted November 5, 2008 I just think its over top saxib. They should be making statements on how they plan to ensure it doesn't happen again. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2008 They're working on it. There is a huge a really HUGE change in every sector here. Not only public sectors and agancies but also the private sectors. Even Abmassador hotel is not the one you used to know sxb ...... i can say it was a wake up call. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted November 5, 2008 What do you mean? More security? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2008 Yep , more security and procedures. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 5, 2008 Another PR stunt by Riyaale, political prostitution at its best level! Quote Share this post Link to post Share on other sites