Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaaminta lagu sheegaya. Waa in aan caadifaddu ku hogaamin

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaaminta lagu sheegaya. Waa in aan caadifaddu ku hogaamin. Waa in aanad degdegin. Markaad wax ka go’aan qaadeyso.

Mujtamac kala aragti duwana aad hogaamineyso. Hadana go’aanka hoogaamineed aad qaadeysa dhamaantood wadda sameynayo.

Waxaan xasuusta intii aan xukumadda waddani
xukunka iman ee aanu xisbiga mucaradka aheyn mudadidi 13 sano aheyd. Jid dheer baanu soo marney oo wajiyo kala duwan lahaa.

Inta badan safaradda dibadda Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro waanu is raaci jirney. Dhowrjeerna dalka shirar waan kala qeyb galley.

Tageerayasha xisbiga wadda dhamaantood marka xukumadda kulmiye wax sameyso ama dad la xidhxidho ama doorashadda ila meeraysadii badneyd sameyso.

Intooda badani tageerayaasha waddani wey xanaaqi jireen. Waxeyna odhan jireen sidaas hala yeelo. Markaasey telephone qabsan jireen iyagoo leh waa in aan la yeelin.

Mararka qaarkood madaxweyne ciro fadhiya bey qeylin jireen oo canaan jireen. Wax ceeba umu arki jirin.

Waxuse u sheegi jirey nuxurka go’aanka xisbigu qaatey. Waxuna odhan jirey nagula shaqeeya dalka lexejeclo inaga heysa. Taasana guusha keeneysa

Waxu sameyn jirey aad buu u dhageysan jirey. Waxuna qiimeyn jirey fekradaha. Waxuna dulqaad u lahaa canaan iyo aragtida tageerayaashiisa kala duwan inuu dhageysto.

Hadaba waxaan uga socda faaladan waxu qiimeyn jirey waxii suurta gala. Waayo dadkani xogogaal ma wadda ahaa. Balse fekerka wanaagsan wuu ka qaadan jirey ee talo qabeenimaddu ka muuqato

Sababtoo ah dadka qaarkood sharciyadda la isku hayo ma fahamsana. Qaarkood caadifad bey u dhasheen. Kuwana waa xogogaal balse markey buuqa arkaan bey iska amuusayaan. Qaarna waxey isku dayi jireen iney dadka u waramayaan ama qanciyaan

Nuxurka waxaan uga socda hadda siduu dalka ku hogaaminaya noqon meyso dad Social media ka qeyliya oo leh maxaa xukumaddu sidaas u yeeli weydey in sheekadda facebook iyo TV nin iska hadley lagu go’aan qaato. Iyadoo hadana xukumaddani waxii lagaga aragti duwan yahey qiimeyneysa ee dalka iyo dadka dan u ah.

Waayo Madaxwaynaha masuuliyaddi shaley saarneyd mid ka culus baa saaran maanta.

Marwalba waxu taladda qaranka ku higaaminaya xog rasmiya iyo go’aan qadasho masiiri ah oo mustaqablka qarankeenu u aayo. Taaso aan ku dhisneyn laab lakac iyo caadifadd

Haddey noqoto dagaladda diplomasiyadeed ee ku saleysan xaaladda Geeska. Haddey noqoto faro gelinta xukumadda Villa Somalia.

Waxa intaas inoo dheer waxii gudaheena ah waxu ku hogaaminaya biseyl wayeeltinimo iyo waayo aragnimo hogaamineed oo ku saleysan walaleynta iyo wadda jirka shacabka Somaliland. Jidwalbana wuu u maraya.

Taasi waxey keeneysa in dhamaan haldoroka Somaliland oo dhan uu soo dhoweysto. Waxii xograsmiya ahna u helo si hufan. Kuna gudooniye golahiisa xukumadda ee fulintu kula shaqeyaan.

Golayaasha qaranka iyo shacabkuna ku barbar taagan yihiin. Dowladdnimaddewnu markaas waxey noqoneysa mid hanaqaadey oo masiirka go’aamadda ka soo baxaya cid walo kaleba inagu tixgaliso. Dowladaha caalamkuna inoogu soo joogsadaan. Inaguna ixtiramaan inagoon cidna u hamraneyn. Taasa guusha qarankeenu ku jirta

Somaliland Guul
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this