Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxuu salka ku hayaa iska hor imaadka cirka isku shareeray ee Aljeeriya iyo Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

79d422b0-1aaf-11f0-937a-b7563ef6ccc0.jpg
Faransiiska ayaa dib ugu yeedhay safiirkiisii u fadhiyay dalka Aljeeriya, wuxuuna amray 12 diblomaasi oo Aljeeriyaan ah inay ka baxaan magaalada Paris, iyadoo khilaafka diblomaasiyadeed uu sii xoogeysanayo.

Aljeeriya ayaa horraantii toddobaadkan masaafurisay 12 masuul oo Faransiis ah kadib markii mid ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda Aljeeriya lagu xiray Paris, oo ku eedeysanna inuu ku lug lahaa afduubka mucaarad dowladeed oo halkaas ku noolaa. Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “mid aan marmarsiinno lahayn lana fahmi karin”.

Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka labada dal ayaa hoos u sii dhacayey bilooyin badan. Falanqeeyayaal ayaa khilaafkan ku tilmaamay mid aan horay loo arag tan iyo markii Aljeeriya ka xarrowday dalka Faransiiska sanadkii 1962.

Waxaa jiray rejo laga qabay in xiisadda la dejiyo kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska uu toddobaadyo ka hor kulan kula yeeshay Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, magaalada Algiers.

Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay waxa Faransiisku ku tilmaamay “hoos-u-dhac lama filaan ah oo ku yimid xidhiidhka labada dhinac”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in “mas’uuliyiinta Aljeeriya ay doorteen inay xiisadda sii kiciyaan”.

Laakiin wasiir Aljeeriyaan ah oo lagu magacaabo Sofiane Chaib ayaa sheegay in muranka ugu dambeeyay ee “la been abuuray” uu salka ku hayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Bruno Retailleau, xilli uu xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada dal marayay “weji degganaan iyo kululaan”.

Xidhiidhka labada dal ayaa xumaaday sanadkii hore markii Madaxweyne Macron uu ku dhawaaqay in Faransiisku aqoonsaday madax-bannaanida Morocco ee dhulka Western Sahara, isla markaana uu taageeray qorshe u oggolaanaya dhulkan muranka lagu muransanyahay in uu helo madax-bannaani xaddidan.

Aljeeriya waxay taageertaa jabhadda madaxbannaanida u dagaalanta ee Polisario Front ee Western Sahara, waxaana loo arkaa saaxiibkooda ugu weyn.

Qoraaga Faransiis-Aljeeriyaanka ah ee Boualem Sansal ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Algiers bishii Nofeembar, waxaana bishii la soo dhaafay lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa dalbaday in lasii daayo qoraagan oo 80 sanno jir ah, qoraagan ayaa mar uu lahadlaayay warbaahinta midigta fog ee Faransiiska sheegay in xiligii gumeysiga uu Faransiisku siisay dhul badan dalka Aljajeeriya halka dhinaca kale waxyar uu siiyay wadanka Morooko.

Dacwad-oogayaashuna waxay sheegeen inuu khatar geliyay amniga qaranka kadib hadallo uu jeediyay oo la sheegay inay su’aal geliyeen xuduudaha wadanka Aljeeriya.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Retailleau ayaa si sii kordhaysa ugu lug yeeshay khilaafkan, kadib markii dowladda Aljeeriya ay diiday inay aqbasho ku dhawaad 60 Aljeeriyaan ah oo wasaaraddiisa ku tilmaantay “halis” islamarkaana uu rabo in laga saaro Faransiiska.

Retailleau ayaa sheegay in weerarkii mindida lagu dilay ee dhacay bishii Febraayo magaalada Mulhouse ee bariga Faransiiska uusan dhici lahayn “haddii Aljeeriya ay u hoggaansami lahayd sharciga iyo waajibaadkeeda”.

Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa isku dayay inuu dejiyo xaaladda markii uu dhamaadkii bishii hore wadahadal dheer oo “furan, saaxiibtinimo leh” la yeeshay dhigiisa madaxweynaha Aljeeriya.

Barrot ayaa isna kulankaas ka daba tegay booqasho uu ku tagay Algiers, isagoo sheegay in “Faransiisku rabo inuu bog cusub u rogo xiisadda hadda taagan”.

Laakiin xidhiidho heer sare ah ayaa ku guul daraystay in ay wax libin ah kasoo hoyiyaan xiisadda cakiran ee u dhexeysa labadan wadan si’ay xal rasmi ah uga gaadheen waxyaabaha laysku hayo.

Iska horimaadka ugu dambeeyay wuxuu qarxay kadib markii sarkaal ka tirsan qunsuliyadda Aljeeriya la xidhay jimcihii la soo dhaafay, iyadoo lala xidhay laba qof oo kale, arrin la xidhiidha afduubkii bishii Abriil 2024 loo geystay Amir DZ, oo ah nin mucaarad ah oo Aljeeriyaan ah kuna nool dibedda.

Amir DZ, oo caan ku ah dhaleeceynta dowladda Aljeeriya isla markaana haysta in ka badan hal milyan oo raacsan baraha bulshada ayaa ugu dambeyn waxaa lagasii daayay meel keyn ah.

Aljeeriya oo arrintaas aad uga cadhootay waxay sheegtay in xadhigga sarkaalka qunsuliyadda uu ahaa mid lagu “ceebeynayo” Aljeeriya, waxayna uga jawaabtay arrintaas iyadoo amartay in dalka laga saaro 12 masuul oo Faransiis ah, kuwaasoo ay sheegtay inay dhammaantood hoostagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska.

Sofiane Chaib, xoghayaha arrimaha dawladda ee Aljeeriya, ayaa telefishinka qaranka u sheegay Talaadadii in Retailleau uu “mas’uul ka yahay xaaladdan cusub oo dhan”.

Retailleau ayaa isaguna sheegay in ay “aan la aqbali karin in Faransiisku noqdo meel ay sirdoonka Aljeeriya ku ciyaaraan”.

Paris ayaa Talaadadii dambe uga jawaabtay arrintaas iyadoo masaafurisay 12 diblomaasi oo Aljeeriyaan ah, waxayna dib ugu yeedhatay safiirkeeda Stéphane Romatet si wadatashi loo sameeyo.

Dhanka kale, Barrot ayaa sheegay in safiirku ku soo noqon doono Paris muddo 48 saacadood gudahood ah, balse wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ugu dambeyn khasab ku noqon doonto inay dib u bilowdo wadahadal lala yeesho Aljeris.

“Haddii aan rabno natiijooyin u wanaagsan shacabka Faransiiska, goor hore ama goor dambe waa inaan la yeelannaa wadahadal furan, degan, kana turjumaya runta,” ayuu yidhi.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this