Suldaanka Posted July 9, 2008 Somaliland oo la wareegtay Gacan ku haynta Degmada Laasqoray, Puntland oo xaqiijisay Arintaasi Warkii 09-Jul-2008 iyo Qormadii: c/qaadir gaabuush Waxaa saaka la wareegay gacan ku haynta degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ciidamo taageersan Maamulka Somaliland sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag C/laahi Cumar Cashuur ............. Ciidamadan saaka la wareegay gacan ku haynta Laasqoray ayaa isugu jira kuwa udhashay deegaankaasi iyo kuwa kale, kuwaas oo dhamaantood ka wada tirsan Ciidamada Military-ga Somaliland ee Gobolkaasi Sanaag , Ciidamada Somaliland ayaa hada ku sugan irida hore ee laga galo degmada laasqoray mana jiraan wax iska caabin ah oo ay la kulmeen xiligii ay magaalada soo gaadheen sida ay Afnugaal u xaqiijiyey dad deegaanka ah balse ku sugan magaalada Boosaaso. C/laahi Cumar Cashuur Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa intaasi raacshay mar uu uwarameyey Somali Broadcasting Corporation in ciidamadii Puntland ee laasqoray hada ku sugan yihiin Degmada Badhan ee isla gobolka Sanaag , taliyuhu ma aanu sheegin sababta iyo qaabka ciidamada Puntland uga soo baxeen magaalada Laasqoray oo aad muhiim uga ah jiritaanka Dowlad Goboleedka Puntland .balse wuxuu cadeeyey in Ciidamada Somaliland ay hada ku sugan yihiin Laasqoray sida ugu dhakhsaha badana ay uga saari doonaan. Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha sida weyn ay ugu muransan yihiin maamulada Garoowe iyo hargaysa, waxayse xiisadan cusub bilaabatay ka dib markii koox Somali ah ay la tageen duleedka Laasqoray dad ajaanib ah oo ay soo afduubteen taas oo sababtay in ciidamo Labada Maamul ka socdaa halkaasi gaadhaan .. Qabsashada Laasqoray ayaa noqonaysa Guuldaradii Labaad ee xukuumada hada ka talisa Puntland iyadoo horena ay gacanta Madaxwayne cadde Muuse uga baxday inta badan Gobolka Sool gaar ahaan Magaalo madaxda laascaanood , C/qaadir Gaabuush Afnugaal.com Gaabuush6@hotmail.com +256-774-833715 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted July 9, 2008 Somaliland oo qarka u saaran inay xoog ku furato Muwadiniin u dhashay Jarmal Ciidamadda Melleteriga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isku gadaamay degaan buuraleeyda Calmadow oo afduub loogu heysto lamaanayaal u dhashay dalka Jarmalka oo badda laga afduubtay. Afduubayaasha heysta dalxiisayaasha u dhashay Jarmalka ayaa ku hanjabay inay dilayaan hadii rasaas kaga soo dhacdo dhinaca Ciidamadda Somaliland,waxaana socda dadaal loogu jiro sidii afduubayaasha nabadgelyo ugu sii deyn lahaayeen labada Muwaadiniinta Jarmalka. Ergo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Somaliland ayaa shir xasaasiya la leh saraakiil metelaya afduubayaasha oo ku sugan Laas qoray waxayna ka wada hadlayaan sidii sharuud la'aan lagu sii deyn lahaa labada lamaane ee u dhashay Jarmalka Ciidamadda Somaliland ayaa shalay dagaal qaraar la galay afduubayaasha hasse yeeshee kuma aysan guuleeysan inay gacanta ku dhigaan labada dalxiise oo burcada ay ka afduubteen doon mareysay dhinaca gacanka cadmeed. Ciidamadda Puntland ayaa duleedka Laasqoray ka galay heegan buuxa waxaana laga cabsi qabaa inay dilaacaan colaada u dhaxeeya labada dhinac hadii lagu guuleeydareysto waanwaanta. Dalxiisayaasha Jarmalka oo Weriyeyaal Somaliya booqdeen ayaa eheladooda u diray dhambaal ay ku sheegayaan inay weli bad qabaan laakiin aysan ogayn sida ay xaaladooda ku dambeyn kareyso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 9, 2008 Why do people compare the Incompareable? somaliland is a functioning entity, regardless of the wrong path it is following: secessation. Puntland on the otherhand is nothing more than a club where a group of gangsters, pirates, hijackers, human traffickers and money launderers share their loots, masquerading as 'politicians'. It is an entity that was given birth to out of envy and 'ana waa ika' mentality. Nothing more. No wonder it is crumping into pieces. This is not to exonerate the 'myopic' secessionsits up north who wouldn't blink their eyes to sell the land of the Somali's to the highest bidder. But at least, they have a system in place. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 9, 2008 Puntland on the otherhand is nothing more than a club where a group of gangsters, pirates, hijackers, human traffickers and money launderers share their loots, masquerading as 'politicians'. Couldn't agree more.The men running this place are shameless. A change and new direction is in order!!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
LANDER Posted July 9, 2008 Originally posted by Abtigiis & Tusbax: This is not to exonerate the 'myopic' secessionsits up north who wouldn't blink their eyes to sell the land of the Somali's to the highest bidder . But at least, they have a system in place. how so ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 9, 2008 teroristka wala soo qab qabanayaa dadka afduubaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 9, 2008 ^ Yup, waanu soo qabqabaneynaa, macal calankooda . Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted July 10, 2008 ^Paragon. The comment you made yesterday was by far one of the funniest. And I mean in a good way. lool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted July 10, 2008 Originally posted by LANDER: quote:Originally posted by Abtigiis & Tusbax: This is not to exonerate the 'myopic' secessionsits up north who wouldn't blink their eyes to sell the land of the Somali's to the highest bidder . But at least, they have a system in place. how so ? Kindly awaiting Mr. A&T's explainations to this accusation. Quote Share this post Link to post Share on other sites
money Posted July 10, 2008 Somaliland is Libaax - Laasqorey was part of Puntland Administration right? was it part of the colonially demarcated British Somaliland? by the way the people in Puntland are not bad..it is the men who run the administration who are awful as hell. Same can be said some of the leaders in Somaliland too. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 10, 2008 money it was part of the Britihs somaliland protoctorad ingrees carre , used to rule till the outskirts of bossaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cige Posted July 10, 2008 Saasaa la rabaa, Badhanna waa ku xigtaa. Pirates Moneylaunders should stay Bossaso and garowe haday joogi waayaanna waa loogu imaan. :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted July 10, 2008 Maxaa la yidhi? Somaliland waa ugu jirtaa beryahan. Dhuusada Somaliland waa foox maaha?. Wixii ay arkaanba dhegaha ayay ka jafayaan beryahan dambe. Sidaasaa la rabaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted July 10, 2008 ^^^ Marshadaa u gashan jinguwa miyaad leedahay , armuu farizoonaha ka go'aa intey dhahaan sheelaraha ayaan xoog u isticmaaleenaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 11, 2008 All this maati Soomaaliyeed loo qaxinaayo, lagu qaxar dhibaayo, dhalin Soomaaliyeedna dhiigooda lagu daadinaayo just to show off the world -- to show off how to 'rescue' afar gaal oo Jarmal ah. Ma dhiigooda ayaa ka qiimo badan kuwa Soomaaliyeed? Ar muxuu dhiigeena raqiis noqday, Soomaalidii ugu horeyso ka dhigtayna. Quote Share this post Link to post Share on other sites