Deeq A. Posted Thursday at 07:25 PM Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinimada leh ee Ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee xakuumada Somaliland ee hagayo ruug cadaaga siyaasiga iyo diblomaasiga qunyar socodka ah ee madaxweyne Ciro. Go’aanka joojinta wada hadalkii ma dhalayska ahaa ee u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland Kaas uu inagu furay xisbigii kulmiye 2012. Wada hadalkaas oo aan Ku luminay saaxiibo badan oo Somaliland lahayd Laguna kari waayay xisbigii kulmiye waar waxan inaga xidha Wada hadalkaas oo hagardaamo weyni Ka soo gaadhay Somaliland Ragii hagardaamadaas qaybta Ka ahaana weli cod iyo madaxnimo Ka quudayaan shacabka Somaliland. Madaxweyne Ciro waxa Ka muuqata inuu la dareen yahay shacabka Somaliland ee 34 Ka sano samraayay ee dhawrayay inay mar uun helaan hogaamiye la dareen ah, hadaba waxaan shacabka Somaliland Kula talinayaa xakuumada waa dhaliili kartaan lkn qabyaalada iyo aflagaadada anshaxa Ka baxsan ISKA daaya. Madaxweynahana waxaan leeyahay madaxweyne waa Ku garab taaganahay lkn golaha wasiirada kuwa aan siyaasadaada la Jaan qaadayn ha eega ee cid kale u igmo shaqada qaranka si aad oga midho dhaliso yoolkaaga siyaasadeed. Somaliland ha waarto Ibrahim Duale Sulaiman (Talaabo) Qaran News Share this post Link to post Share on other sites