Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshe yaab leh oo Al-Shabaab ay kusoo geli rabtay Muqdisho oo fashilmay + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo uu haatan sii kordhayo walaaca ka dhashay culeyska ay Al-Shabaab soo saartay gobollada Shabeellooyinka ayaa haddane waxaa la kashifay qorshe yaableh oo ay kooxdu rabtay inay kusoo gasho magaalada Muqdisho.

Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur oo warbaahinta kula hadlay gudaha caasimada ayaa banaanka keenay qorshe xasaasi ah oo ay damacsaneyd Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay rabeen inay dilaan Madaxweynaha oo dhowaan ka bad-baaday qarax loo dhigay kolonyo uu la socday xilli kasoo baxay Madaxtooyada, kuna sii jeeday furimaha hore ee dagaalka.

“Isku daygii ugu foosha xumaa maalin hore ayay ku dhaqaaqeen iyaga oo raba inay dil ku sameeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ilaaheyna uu ka bad-baadiyay” ayuu yiri.

Cabdulqaadir Macallin Nuur ayaa xusay in ujeed wayn ay kooxda ka lahayd weerarkaasi, isla markaana ay rabeen in marka uu dhaco kadib uu yimaado isku dhex yaac ay ka dhex faa’iideystaan, kuna soo geli karaan Muqdisho, iyaga oo adeegsanayo mootooyin.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadkooda ay diyaar ku ahaayeen bannaanka Muqdisho, balse aanu u suurogelin shirqoolkii ay maleegeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Warbixinta aan hayno waxay ahayd xittaa haddii uu habayaraatee baabuurka uu ku jiro ay wax gaari lahaayeen bannaanka ayay taagnaayeen ayaa la yiri kun mooto oo socoto ayaa soo geli lahayd magaalada Muqdisho. Mas madaxa ayaa laga dilaa hee Madaxweynihii wax ma gaareen haa ummaddii waa isku yaacdayee aan galno ay ugu talagaleen” ayuu mar kale Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa og yihiin Shabaab in aysan qabsan karin Xamar ee borobagaandada iyo dacaayadda ay faafiyeenna ma ah mid u hirgeleysa”.

Hadalkan wuxuu sii xoojinayaa walaaca laga muujinayo Al-Shabaab oo culeys soo saaray deegaannada u dhow Muqdisho, waxaana taas ay keentay in su’aallo laga keeno amniga caasimada.

Waxaa kale oo jirta in siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe uu marar badan ku cel-celiyay suurta-galnimo ay kooxdaku qabsan karto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Faysal oo shalay ka fal-celiyay weerarkii ay degmada Aadan Yabaal ku qabsadeen maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegay in sarreyso suurta-galnimada ay kooxdu geli karto Muqdisho.

Sida uu sheegay, kooxda ayaa magaalada caasimadda ah qabsan doonta bisha May illaa June 2025, isagoo tan u cuskaday fashil  maamul uu ku eedeeyay dowladda federaalka.

“Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025,” ayuu Waraabe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter), kaas oo dhaliyay caro xooggan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this