Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo dib uga qarxay degmada Aadan Yabaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow dagaal culus uu dib uga qarxay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi oo ay shalay la wareegaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka haddda socda ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay saddex jiho ka weerareen degmada, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa lagu soo warramayaa inuu hoggaaminayo dagaalka haatan socdo, isaga oo tan iyo shalay abaabul xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaal xoogleh uu socdo, kaas oo u dhexeeyo labada dhinac, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ujeedka ugu wayn ee Milatariga Soomaaliya iyo Macawiisleyda ayaa ah inay Al-Shabaab ka saaraan, Aadan Yabaal, ayna dib ugu laabtaan fariisimihii ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana si dhammeystiran loo heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka, maadaama uu adag yaay khadka isgaarsiinta ee Aadan Yabaal.

Waxaa weerarkan ka horreeyay duqeyn culus oo xalay ka dhacday halkaasi, taas oo ay si wadajir u fuliyeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyada oo kaashaneyso Taliska AFRICOM ay howlgal culus ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal kaas lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen xubnihii Al-Shabaab ee soo galay halkaasi.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa weerarkan cirka ah lagu dilay illaa 12 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray weerarka cirka ah ee xalay ka dhacay halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa ah degmo qadiimi ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay qabsadeen December 2022, xilligaas oo uu socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this