Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjooge ajnabi ah iyo Shabaab badan oo lagu dilay dagaalka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal culus oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Daynuunaay iyo Baydhaba, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda, xilli ay isku uruursaneeyeen Burjeed oo qiyaastii 15 kiilo mitir u jira magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 35 xubnood oo uu ku jiray horjooge sare oo ajnabi ahaa, sidoo kale la dhaawacay 60 kale.

“Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Khawaarijta oo oo isku diyaarinayay inay weerar qaadaan. Dhimashadu waa in ka badan 35 xubnood, oo uu ku jiro horjooge ajnabi ah dhaawacana waa in ka badan 60 kale” ayaa lagu yiri qoraaka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen illaa 18 maydad kale, intii kale iyo dhaawacyadana ay la carareen Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in weli ay sii socdaan howlgallada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga hortego falalka gurracan ee kooxaha argagixisada.

Dhanka kale, Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Madaxweyne Laftagareen iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa dhankooda boggaadiyay guusha laga soo hooyay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Baydhaba

Xaaladda kacsanaan ah ayaa haatan kasoo cusboonaaday gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Dagaalka maanta dhacay, wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo todobadkaan ay kooxda Al-Shabaab qaaday cunaqabateyn ay mudoo dheer ku haysay degmooyinka gobolladaasi, waxaana markii ugu horreysay 10 sano kadib gaaray gaadiid siday badeeco kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this