Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo sheegay arrin geesinimo uga baahan Xasan kadib qabsashadii A/Yabaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa war xasaasi ah kasoo saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan howl-galladii ugu dambeeyay ee dhacay iyo sidoo kale qabsashadii degmada Aadan Yabaal.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka fal-celiyay arrinta Aadan Yabaal oo saddex sano kadib gashay gacanta argagixisada ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay ku farxaan guusha Khawaarijta ee dagaallada ka socda dalka.

Siyaasigan ayaa xusay “in dad leh aragti gaaban” ay siyaabo kala duwan oo dhiirogelineyso Shabaab ay uga fal-celiyeen guushooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax laga naxo sida Soomaali badan kaga falceliyeen goob ku guulaysiga dagaal ee AS, waxaa ka muuqata aragti gaabni iyo aqoon la’aan ku aadan argagexisada,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Argagexisadu waa cadow aan arxan iyo naxariis lahayn, waa kuwii maalin qura kun qof oo shacab Soomaaliyeed ah xasuuqay, dhallinyaro qalinjebinaysa, macalimiintoodi, waalidoontood iyo masuuliyiin soo maamuusay isku goob ku gumaaday, laayey arday deeq waxbarasho saf ugu jira, waa kuwii hoteellada, meheradaha ganacsiga iyo xeebaha dadka ku xasuuqayey. Madax jebinta, xasuuqa iyo gumaadka argagexisada hayb iyo deegaan uma kala soocaan.”

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab iyo ajaaniibta ku dhex jirta oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin dalka.

“Waa in aan dhinac iska dhignaa Ajandayaasha la isku khilaafsan yahay ee aan ku hawlgalnaa kuwa lagu midaysan yahay oo dagaalka cadawga ugu horeeyo, dhankeenna waa diyaar,” ayuu mar kale ku yiri qoraal uu soo saaray xildhibaan Warsame.

Dhanka kale, wuxuu farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu baaqay inuu la yimaado qorshe cad oo ku aadan dagaalka socda, iyada oo meel la’iska dhigayo arrimaha siyaasadda ee la’isku hayo iyo khilaafaadka maamul ee ka jira dalka.

“Madaxweynaha ayaa lagaa rabaa in uu xaalada adag ku wajaho go’aan qaadasho geesinimo leh oo ku mideeyo dareenka shacabka, ku tixgeliyo talada indheergaradka, kulana heshiiyo mucaaradkiisa,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dalka uu ku jiro xaalad adag oo ka dhalaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna kooxda oo dib isku soo abaabushay ay culeys xoogleh soo soo saartay labada Shabelle iyo deegaanno u dhow Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this