Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo dalbaday in liiska argagixisada lagu daro siyaasi caan ah oo reer Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in liiska argagixisada la geliyo siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo shalay si aan gabasho lahayn u taageeray Shabaab, sheegayna inay dhawaan qabsan doonaan caasimadda dalka.

Fiqi oo ka fal-celiyay qoraalka uu shalay soo saaray Waraabe, kaasoo uu ku sheegay in kooxdaasi ay magaalada Muqdisho qabsan doonto bisha May illaa June 2025, ayaa tan u cuskaday fashil dowladeed oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu garaad xumo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Waraabe, wuxuuna ku eedeeyay inuu si toos ah ugu biiray kooxda Al-Shabaab, oo haatan dagaal adag kula jirta geesiyaasha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

“Waa garaad xumo hadalka uu ku hadaaqay. Horay ayuu carruurtiisii ugu biiriyay ISIS (Daacish), haddana isagii ayaa kooxda argagixisada Al-Shabaab si toos ah ugu biiray, sida kuwii ka horreeyay ay ugu biireen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo u jawaabay Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku daray: “Waraabe waa in la geliyaa liiska argagixisada lana soo taagaa maxkamad.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab, isla markaana maalmihii dambe la arkayay deegaano laga xoreeyay kooxda oo haddana ay weerarro rogaal celis ah kula wareegeen.

Inkasta oo dowladda federaalka Soomaaliya ay muujisay ka go’naanshaheeda gulufka socda, haddana waxaa jira gaabis iyo habacsanaan ay tahay in si deg-deg ah wax looga qabto, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka Shabaab, oo ay nooga baxeen halyeeyo naftooda u huray xoreynta dalkeenna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this