Sign in to follow this  
Deeq A.

Khaatumo oo magac cusub u aqoonsatay Somaliland kadib booqashadii Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland u aqoonsaday magac cusub, kadib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegay Laascaanood, kaasi oo ah “Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed”.

Magacan ayaa la iskugu raacay in loo aqoonsado Somaliland, kadib shirkii Golaha Wasiirrada SSC-Khaatumo oo ka dhacay magaalada Laascaanood oo haatan ah xarunta maamulka SSC.

Shirkan oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa lagu bogaadiyay safarkii taariikhiga ahaa ee Xamza ku tegay halkaasi, kaasi oo ay SSC-Khaatumo ugu aqoonsadeen dawlad goboleed buuxa.

Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey go’aankaas iyo safarkaas taariikhiga ah ee wefdıgaas ballaadhani ku yimaaddeen deegaanka.

Dhanka kale Shirka ayaa diirradda lagu saaray arrimaha amniga, difaaca, midnimada iyo siyaasadda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu dambayn, Golaha ayaa go’aamiyey in Somaliland oo haatan ka talisa Gobolka Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya loo aqoonsado “Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed (KGWG).”

Tan iyo markii ay lumisay Somaliland deegaanada ay haatan SSC ku hayso gacanta, loona aqoonsaday maamul goboleed rasmi ah, waxay labada dhinac hawada isku marinayeen hadallo kulul, iyadoo laga cabsi qabo in dhinacyada uu markale dagaal dhexmaro.

Si kastaba, Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa muujiyay taageerada dowladda federaalka Soomaaliya ee maamulkan, oo haatan loo aqoonsaday maamul goboleed buuxa, kana qeyb-galaya miiska lagu gaarayo arrimaha masiiriga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this