Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta doomo hub iyo saanad ciidan u siday Al-Shabaab oo maanta lagu burburiyay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta duqeyn ku burburiyay doomo sidday hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan oo ka dhacay gudaha biyaha Soomaaliya ayaa lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan oo kooxda loogu tala galay, kuwaas oo lagu qalabeyn lahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Doomahan ayaa la sheegay in aysan wadan wax calan ah oo lagu aqoonsan karo dalka laga leeyahay.

“Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay biyaha gudaha ee Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hubka la burburiyay oo loogu tala galay kooxda Al-Shabaab ayaa khatar ku ahaa amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee taageeraya dadaallada nabad-dhiska.

Qiimeynta hore ee AFRICOM ayaa muujinaysa in duqeyntan lagu dilay dhammaan argagixisadii saarnaa labada dooni, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin shacabka.

Inkasta oo aan la shaacin halka ay doomahan ka yimaadeen, haddana waxaa loo badinayaa inay kasoo shiraacdeen dhanka Yemen, oo xarun u ah kooxda Xuutiyiinta — kuwaas oo dhawaan heshiis hoose uu dhexmaray iyaga iyo kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this