Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq culus oo laga soo saaray shirkii maalmahan ka socday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha la-dagaalanka Khawaarijta oo maalmahaan magaalada Muqdisho ka socday ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen in ka badan 700 oo ergay kuwaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda, ayaa waxaa maanta laga soo saaray baaq xoojinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ujeedka shirkan ayaa wuxuu ahaa in si weyn looga qayb-galo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo sidii dalka looga xorayn lahaa loona garab istaagi lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxa loogu baaqay bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka in ay si weyn uga qayb qaataan sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha argagixisada.

Soo xiritaanka shirkan ayaa waxa ka qayb galay oo khudbado kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa yiri: “Waxa la dhibaateynaayo, oo la beegsanayo waa dadkii aad matasheen, baraarugaan iyo in loo midoobo dagaalka khawaarijta waan idinkaga mahadcelinayaa.”

Sidoo kale shirkan waxaa khudbad ka jeediyey wasiirka caafimaadka, isagoo tilmaamay muhiimada dagaalka socda, “Khawaarij meel walba ayey ka soo qaxeen, waxaana ay isugu yimaadeen deegaanadeena, aan u midowno ciribtirka iyo soo afjarkooda.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this