Sign in to follow this  
Jacaylbaro

New Weapons for the TFG

Recommended Posts

Dowladda Maraykanka ayaa waxaa la sheegay in hub iyo rasaas kla duwan ay u soo dirtay Dowladda KMG Soomaaliya si ay isugu difaacdo.

 

Sida ay u sheegeen wargaysaka Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka saraakiil Maraykan ah iyo kuwa Soomaali ah dowladda Maraykanka ayaa shixnado hub ah iyo rasaas ah u soo dirtay dowladda KMG Soomaaliya,waxaana ujeedadoodu ay tahay in maamulk cusub ee madaxweyne Brak Obama uu doonayo in uu saamayn weyn ku yeesho gobolka Geeska Africa.

 

Shixnadaani hubka ah oo la sheegay in bishaan ay soo gaartay Magaalada Muqdisho ayaa saraakiil aan is magacaabin waxaa ay sheegeen in la doonayo in lagu dar dar galiyo siyaasadda dowladda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya iyo in dowladda KMG Soomaaliya la xaqiijiyo in aan la ridin.

 

Waxaa ay sidoo kale saraakiishaasi ay sheegeen in dowladda Maraykanku ay doonayso in dowladda KMG Soomaaliya ay yeelato Awood ay ku damaanad qaadayso jiritaankeeda Qaranimo,waxaana Saraakiishu ay tilmaameen in hubkaasi dowladda Maraykanku ku taageertay dowladda kMG.

 

Hubka iyo rasaasta dowladda Maraykanku ay sheegtay in bishaani ay soo gaarsiisay ayaa waxaa saraakiil ka tirsan maamulka Maraykanku ay sheegeen in maamulka madaxweyne Brak Obama uu doonayo in uu qaado talaabooyin iyo siyaasad dhab ah oo ku wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaana bad baadinta dowladda KMG Soomaaliya.

 

Ka sagow hubka iyo Saanadda Militari ee la sheegay in dowladda Maraykanku ay soo gaarsiisay dowladda KMG ayaa waxaa horay u jiray in Maraykanku ay horay u balan qaaday dhaqaale lacageed oo gaaraya 10-milyan oo doolar taasoo ay sheegtay in ay kaga qeyb qaadanayso dib u soo nooleynta ciidamadii militariga iyo boliiska dowladda Soomaaliya oo sanadkii 1970-kii ahaa kuwa ugu tababarka wanaagsan qaaradda Africa.

 

Talaabadaani ayaa timid markii gudoonka Barlamanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur madoobe uu dhawaan dalbaday in caalamka si aan kala har laheyn ay u taageeraan oo ay u bad baadiyaan dowladda KMG Soomaaliya kadib dagaalo xoogan oo xoogaga hubaysan iyo ciidamada dowladda Muqdisho ku dhexmaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If its true we'll see soon brand new M16 guns in the Bakaraha market which is he wall steet of weapons in the whole horn of Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this