Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka cusub ee difaaca oo war culus kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, guulaha ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo si gaar ah uga hadlay howlgalkii Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay saakay ku dileen ku dhawaad 40 Shabaab ah iyo Horjooge Ajanebi ah.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, wasiirka ayaa maalmo ka hor xilkaan la wareegay, howlgalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu ka hadlay.

“Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga Khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha lagu laayey cadowga uu ka marqaati kacayo diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada deegaanka, isagoo sheegay in la gaaray dhamaadka kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah ay u garab istaagaan Ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan cadowga Khawaarijta ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta dhiiri-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha dagaalka.

Ciidamada ayaa saakay fuliyey howlgal guuleysay oo lagu dilay in ka badan 35 dhagarqabe oo Khawaarij ah, kuwaas oo horjooge ajanebi ah uu ku jiray, iyadoo Khawaarijta laga dhaawacay in ka badan 60 maleeshiyaad ah.

Meydadka Shabaabkii la laayey ayaa maanta la geeyey magaalada Baydhabo, halkaas oo shacabku ay ku dabaaldegayeen, iyadoo lagu dabaxiray gaadiid oo la jiiday, taasi oo muujineysa cadaawadda shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan kooxaha argagixisada ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this