Sign in to follow this  
Deeq A.

Falanqaynta Siyaasada Geeska ee Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa jira nin u dhashay dalka Falastiin oo magaciisu la yidhaahdo Cabdibaari Cudwaan. Waa tifaftire sare oo ka tirsanaa wargeyska Af-Carabiga ku baxa ee lagu magacaabo Al-Qudus Al-Carabi, kaas oo ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Cabdibaari wuxuu caan ku yahay inuu si kulul oo dareen badan uga hadlo dhacdooyinka kala duwan ee ka socda Bariga Dhexe, gaar ahaan marka uu ka hadlayo telefiishanada Carabta. Markii dambe waxa yaraaday kullanadii lagu martiqaadi jirey waxaanu furay akoon YouTube ah oo uu ku soo bandhigo falanqayntiisa.
Falanqayntiisu waxay ahayd mid heer sare ah xilligii hore, sababta oo ah dadku may haysan wax ka baxsan wargeysyada iyo saxaafadu waxa ay u soo bandhigto, taas oo imika si weyn isku bedeshay. intaa wixii ka dambeeyey, wuxuu u leexday inuu si degdeg ah uga falceliyo dhacdooyinka dhacaya, waana midda sida fudud u abuurtay ama hoos u dhigtay qiimaha iyo tayada dhegeysigiisa.
Waxa arrintan i xasuusiyey Sheekh Cabdiraxmaan Bashir. Marka uu ka hadlayo siyaasadda Geeska Afrika, gaar ahaan tan Soomaalida, wuxuu u hadlaa si aan dheellitirnayn aniga aragtideyda, marar badan doodiisa waxa sal u ah inay ku tiirsanaato warar dhex wareegaya baraha bulshada. Halkii laga filayay in uu noqdo falanqeeye ku dhisan xog sugan oo aan dhinacna u janjeedhin maadaama uu in badan isku dayo inuu soo min guuriyo buugaag si cufan loo qoray.
Habeen dhaweyd, waxa aan dhegeystay wareysi uu Sheekhu kaga hadlayey saameynta Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida. Sida aan anigu u fahmay, wuxuu arrintaasi ku eegayey wax ka badan 90% aragtida dowladda Qatar iyo xogaha ay bixiyaan cidda xidhiidhka la leh ee ay ka mid yihiin warbaahinta ay maalgashato sida Aljazeera. Marna hadalkiisa kuma jirin isku day uu ku muujinayo dheelitirnaan, xitaa marka laga hadlayo dhinacyo siyaasadeed oo isdiidan.
Waxa intaa dheer oo aan in badan u fiirsaday marka uu sheekhu ka faalloonayo qadiyadaha siyaasadeed, beeleed ama goboleed ee ka jira dhulka Soomaalida, waxa muuqata in aanu lahayn aragti naqdi oo meel loogu soo hagaago leh (Consistency) oo joogto ah. Taas bedelkeeda, wuxuu si degdeg ah uga jawaabaa dhacdooyinka warbaahinta Somalida dhex socda oo kalsoonidoodu hooseyso, iyadoo natiijadoodu muddo kooban gudeheed laga yaabo inay is bedesho, waana mid ka mid ah waxyaabaha hoos u dhigay ninka aan kor ku soo xusay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this