Sign in to follow this  
Deeq A.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐫-𝐁𝐞𝐞𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐫-𝐁𝐞𝐞𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋

img_1_1744721780208.jpg

img_3_1744721811410.jpg

img_4_1744721828916.jpg

img_2_1744721795961.jpg

img_5_1744721851862.jpg

img_6_1744721869459.jpg

img_7_1744721894809.jpg

img_8_1744721910919.jpg

img_9_1744721950726.jpg

img_10_1744721965725.jpg

img_11_1744722004886.jpg

img_12_1744722033744.jpg

img_13_1744722052582.jpg

img_14_1744722097670.jpg

img_15_1744722130485.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay laba Xafladood oo isku-sidkan oo kala ahaa : Xuska Maalinta Dhir-Beerista Qaranka JSL ee 15.April iyo Daah-furka Beerista 𝟑 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 oo Geed, muddo xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Xafladdaa waxa soo agaasimay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Ujeedada guud ee Munaasibadda Maalinta Dhir-Beerista Qaranka JSL waxay ahayd in laga hortago saamaynta taban ee Isbeddelka Cimiladu ay ku leedahay guud ahaan noolaha, gaar ahaana nolosha bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay Xafladda Maalinta Dhir-Beerista Qaranka waxa uu sheegay in kor u kaca heer-kulka, xaalufka baad iyo biyo-ba leh, abaaraha soo noqnoqday, bara-kaca bulshada xoolo dhaqata ah iyo beeraleyda ee sida xad-dhaafka ah ugu soo hayaamaya Magaalooyinka, dhammaantood waa arrimo salka ku haya Isbeddelka Cimilada iyo xaalufinta dhirtii uu dalkeenu hodanka ku ahaa. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Dhir la’aantu ay tahay Nolol la’aan, waayo waxa ku xidhan nolosheenna iyo ta xoolaheenna.

Mashruuca Dhir-Beerista 3 Milyan oo Geed muddo Xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ayaa waxa dib loogu soo celinayaa carrada ku-haboon wax beerista, waxana lagaga hortagayaa nabaad-guurka muddooyinkii ugu dambeeyey ku dhacay carrada. Tallaabadan ayaa waxay salka ku haysaa ballan-qaadyadii uu Madaxweynaha JSL la galay bulshada Somaliland xilligii doorashada.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this