Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo si adag u beenisay inay mushaarka ka joojisay ciidamada jooga deegaanada SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag u beenisay war saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay oo ku saabsanaa inay mushaarkii ka joojisay ciidamada ku sugan deegaanada maamulka SSC-Khaatumo, ka dibmarkii dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay aqoonsanayso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay inay been-abuur tahay xogta ku saabsan mushaar joojintaasi, waxayna Wasaaraddu intaas ku dartay in laamaha ammaanku ay tillaabo ka qaadi doonaan kuwa caadaystay faafinta been-abuurk.

Dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay sidaanoo kale u beenisay in garoomadeeda ay ka joojisay diyaaraddii qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee geysay Laascaanood, ka dib markii xogo arrintaas tilmaamaya baraha bulshada lagu baahiyay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this