Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka degmada Shangaani oo Si Weyn Isugu Soo Baxay Isdiiwaan Gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashada Golaha Deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka ku dhaqan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa si weyn isugu soo baxay is-diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, taas oo si rasmi ah uga bilaabatay saaka magaalada Muqdisho.

Degmada Shangaani ayaa noqotay tii ugu horreysay ee lagu bilaabo howlaha diiwaangelinta shacabka u diyaar garoobaya doorashada golaha deegaanka, taasoo qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu hormarinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo dowlad dhiska dalka.

Dadka deegaanka oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo odayaal dhaqameed ayaa safaf dheer ugu jiray xarumaha diiwaangelinta, iyaga oo muujinaya hamigooda ku aaddan in ay ka qayb qaataan geedi socodka doorashada iyo in codkooda uu yeesho miisaan siyaasadeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday xarumaha diiwaangelinta si ay u kormeeraan habsami u socodka howlaha, iyagoo sheegay in degmada Shangaani ay tusaale u noqon karto degmooyinka kale ee doorashadu ka dhici doonto.

“Shacabka Shangaani waxay muujiyeen wacyi sare iyo biseyl siyaasadeed. Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyeynta dowladaha hoose,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta doorashada.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah dhismaha maamul hoose oo hufan, lagana filayo in ay sare u qaadaan doorka shacabka ee ka qaybgalka siyaasadda.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ay si tartiib tartiib ah ugu biiraan diiwaangelinta, iyadoo la rajeynayo in dhammaan muwaadiniinta da’doodu u dhiganto codbixinta ay helaan fursad ay ku diiwaangashaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this