Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka SSC-Khaatumo oo Dowladda Federaalka ku Wareejiyey Maxaabiis Dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah dowladda federaalka Soomaaliya ugu wareejiyey 25 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood.

Maxaabiistaan ayaa lagu wareejiyey gacanta dowladda si loo geeyo Hargeysa, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolka.

Sii deynta maxaabiistan ayaa timid kaddib booqashadii dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood. Booqashadaas ayaa la sheegay in ay horseedday is-faham siyaasadeed oo sabab u noqday in SSC-Khaatumo ay qaaday tallaabadan nabadeed.

Sarkaal ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in maxaabiista lagu wareejiyey dowladda dhexe si ay u fududeyso geeddi-socodka dib u celintooda, iyadoo la filayo in la geeyo magaalada Muqdisho kahor inta aan loo sii gudbin Hargeysa.

Somaliland ayaa dhankeeda heysa maxaabiis badan oo kasoo jeedda Magaalada Laascaanood.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this