Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka SSC-khaatumo oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay 25 maxbuus oo laga qabtay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1744694949761.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada ayaa la wareegay 25 kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii SSC-khaatumo iyo Somaliland, sida ay shaaciyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo oo War-murtiyeed wadajir ah soo saaray.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garwadeen ka ah barnaamij lagu nabadaynayo SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa maxaabiistan oo duruufo gaara leh ku celin doona Qoyaskooda oo ku sugan Somaliland, sida ku xusan War-murtiyeedka Wadajirka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-khaatumo ka soo saareen booqashadii Ra’iisul Wasaare Xamse ku tegey magaalada Laascaanood.

“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC- Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri War-murtiyeedkaasi.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya oo tixgelinaysa go’aankii 6, Feb 2023 ka soo baxay odayaasha dhaqanka Khaatumo ayaa Maamul Goboleed Rasmi ah u aqoonsatay SSC-khaatumo, sida lagu sheegay Warmurtiyeedka wadajirka ah “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed lagu dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka).

Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka

FB_IMG_1744692496592.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1744692500955.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1744692505053-1.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Maamulka SSC-khaatumo oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay 25 maxbuus oo laga qabtay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this