Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN oo shuruud ku xidhay heshiis laga gaadho barnaamijka Nukliyeerka

Recommended Posts

Deeq A.   

Iran iyo Mareykanka ayaa waxaa dalka Cumaan uga billaabmay wadahadal ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran – waana kulankii ugu heerka sarreeyay ee ay yeeshaan labada waddan tan iyo 2018-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa u sheegay telefishinka qaranka Iran in dalkiisu uu doonayo “heshiis cadaalad ah”, afhayeenkiisu waxa uu sheegay in aanu filaynin in wadahadalku ay waqti dheer qaadan donaan. Madaxweyne Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha waawayn ee adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayay inuu sameyn doono heshiis “ka wanaagsan”. Ma cadda in labada ergo ay hal miis wada fariisan doonaan, balse wada-hadallada ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ugu horreysa ee lagu xaqiijinayo in heshiis la gaari karo iyo in kale, iyo sidoo kale qaab-dhismeedka wadahadallada Arakchi wuxuu ku celceliyay in wadahadalada dadban ama aan toos ahayn ay yihiin kuwa ugu wanagsan marxaladan. Ergayga Trump Steve Witkoff, oo hogaaminaya wafdiga Mareykanka, ayaa ka hadlay kaliya inay si fool ka fool ah u kulmaan.Laakiin arrinta ugu muhiimsan ayaa ah nooca heshiiska uu dhinac walba aqbali doono.

Trump ayaa warqad u diray hogaamiyaha ugu sareeya Iran isagoo sii maraya Imaaraadka Carabta bishii hore, wuxuuna sheegay inuu doonayo heshiis looga hortagayo Iran inay hesho hubka Nukliyeerka iyo in la baajiyo weerarrada militari ee suurtagalka ah ee Mareykanka iyo Israel. Iran waxa ay rajaynaysaa in heshiis lagu xadido, balse aan la burburin barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga khafiifiyo cunaqabataynta. “Ujeedkayagu waa in aan gaarno heshiis cadaalad ah oo sharaf leh oo aan ka joogno mawqif siman, iyo haddii dhinaca kale uu sidoo kale ka yimaado isla mowqifka, markaa waxaan rajeyneynaa in ay jiri doonto fursad isfaham bilow ah oo horseedi doona waddo gorgortan,” ayuu yiri Araghchi. Waxa uu intaa ku daray in kooxda la socotay ay ka koobnaayeen khubaro “aqoon u leh arrimahan gaarka ah, isla markaana leh taariikh dhanka gorgortanka ah oo arrintan ku quseeya”. Ilo-wareed aan la magacaabin oo ku sugan dalka Cumaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wada-hadalladan ay sidoo kale doonayaan in lagu dejiyo xiisadda gobolka iyo sidii maxaabiista la isku dhaafsan lahaa.. Trump ayaa shaaca ka qaaday wadahadalada soo socda inta lagu guda jiro booqasho uu Benjamin Netanyahu ku tagay Aqalka Cad Isniintii. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen ” in Iran aysan hubka nukliyeerka”.

Trump ayaa ka digay in Mareykanka uu awood milateri u adeegsan doono haddii aan heshiis la gaarin, Iran ayaa dhowr jeer sheegtay inaysan gorgortan ka geli doonin cadaadiska Mareykanka. Iran waxa ay ku adkaysanaysaa in hawlaheeda Nukliyeerka ay gabi ahaanba yihiin kuwo nabadeed oo aanay marnaba isku dayi doonin in ay samaystaan ama helaan hub Nukliyeer ah. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Trump uu ka baxay heshiiskii 2015-ka oo dhacaya dabayaaqada sanadkan, Iran waxa ay si isa soo taraysa u jebisay xannibaadaha uu soo rogay heshiiskii nukliyeerka ee jira, taas oo ay kaga aargoosanayso cuuryaaminta cunaqabataynta Maraykanka ee dib loo soo celiyay 7 sano ka hor, waxayna kaydisay uranium ku filan oo aad loo tayeeyay si ay u samayso dhowr bam.

Witkoff ayaa sidoo kale ku lug lahaa wadahadal nabadeed oo ku saabsan dagaalka Ruushka iyo Ukraine, isagoo Jimcihii St Petersburg kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this