Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Somaliland oo ka Digtay Xasilooni-Darada ka Dhalan Karta Daandaanisga Dawlda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay booqashada lagu wado in Raysal-wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo magaalada Laascaanood. Waxaanay tilmaantay in booqashadaasi ay xadgudub ku tahay madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida mandaqada. Sidaasna waxa wasaaradda arrimaha dibaddu ku sheegatay warmurtiyeed ay soo saartay oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana ay shaacisay in booqashada Raysal-wasaaraha Muqdisho ay wiiqayso dedaallada socda ee lagu xoojinayo nabada iyo xasiloonida gobolka. Xukuumadda Somaliland waxa ay xustay in dawladda Soomaaliya ay masuul ka tahay xasilooni darrada ka dhalata booqashadan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa ay ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay garowsadaan in falalka masuuliyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwo khatar toos ah ku haya nabadda iyo amniga gobolka. “Somaliland waxay muddo dheer dulqaad u muujisay ficillada daandaansiga ah ee Soomaaliya, iyadoo weligeed ay tiir u ahayd xasilloonida isla markaana samayn togan u leedahay mandaqada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda. Dawladda Somaliland waxa ay ku boorisay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay si degdeg ah oo wadajir ah uga falceliyaan xasilooni darrada ay ku foogan tahay Soomaaliya. Waxa kaloo ay intaas ku dartay in haddii aan wax laga qaban ay mandaqada ku faafi doonaan kooxaha qalalaasaha wada oo horseedi doona khataro amni darro iyo dhibaatooyin bini’aadannimo. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay caddaysay go’aankeeda ku wajahan nabad, wadahadal iyo iskaashi goboleed. Xukuumaddu waxa ay shaacisay inay qaadi doonto tallaabooyin cadcad oo ay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda haddii ay khatar ku timaaddo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this