Sign in to follow this  
Deeq A.

𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐜𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐦𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐥𝐨 𝐱𝐮𝐦𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐂𝐞𝐞𝐥 𝐀𝐟𝐰𝐞𝐲𝐧

Recommended Posts

Deeq A.   

” 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐜𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐤img_5_1744565565675.jpg

img_4_1744565546712.jpg

img_3_1744565511168.jpg

img_2_1744565503525.jpg

img_1_1744565460347.jpg𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐦𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐥𝐨 𝐱𝐮𝐦𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐂𝐞𝐞𝐥 𝐀𝐟𝐰𝐞𝐲𝐧, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐮𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐡𝐮𝐛 𝐥𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐢𝐥𝐨 𝐒𝐞𝐞𝐝𝐢, 𝐒𝐨𝐝𝐝𝐨𝐠, 𝐀𝐛𝐭𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐧𝐚𝐚𝐛𝐭𝐢…” 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirro iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad iyo Xildhibaano ayaa maanta Degmada Ceel Afweyn kaga qayb-galay Munasabad lagu qaramaynayey Ciidanka Maddaaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa bulshada reer Ceel Afweyn ku ammaanay doorka sharriifka ah ee ay ka qateen Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah iyo sida kal furnaanta ah ee ay ula shaqaynayaan Xukuumadda cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Geesta kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah ee Ceel-afweyn ay ka duwan-tahay qaramayntii Ciidamada kale ee Maddaniga ah waxana uu yidhi:

“Qaramayntani way ka duwan tahay kuwii hore. Maanta waxa halkan lagu wareejiyey ciidan iyo gaadiidkoodi oo ku samaysmay talo xumo ka timiday reer Ceel Afweyn, waxana uu ahaa hub loo samaystay in lagu dilo Seedi, Soddog, Abti iyo Inaabti .“

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in ay ka go’antahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad nabadaynta Ceel-afweyn.

“Nabadda Ceel Afweyn inta ay doonto ha nagu qaadato, kama tagayno ilaa nabad waarta la helo..”

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this