Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump: Waxaan Taageerayaa Shacabka Soomaaliyeed Dagaalka Ay Kula Jiraan Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa mar kale ka hadlay dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, isaga oo si gaar ah u xusay taageerada uu u hayo shacabka Soomaaliyeed.

Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan kooxaha argagixisada ah, isaga oo si gaar ah u xusay sidii ay u burburiyeen ISIS saddex toddobaad gudahood, xilligii uu xilka hayay.

“Waxaan taageeri doonaa shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Trump, “waa inaysan oggolaan Xuutiyiinta inay saldhig ka dhigtaan dalkooda (sida ay isku dayayaan!), si loo soo afjaro argagixisada loona keeno barwaaqo iyo xasillooni Soomaaliya.”

Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa dagaal adag oo ay kula jirto kooxaha xagjirka ah ee Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaas oo muddo sanado ah halis ku hayay nabadda, amniga iyo horumarka dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab ka helaysa saaxiibbada caalamiga ah, gaar ahaan Maraykanka, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxahan.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in laga takhalusay xeerar  siyaasadeed oo hor istaagayay awoodda ciidamada Mareykanka, isaga oo xusay in General Daniel Caine uu hadda yahay guddoomiyaha cusub ee Golaha Taliyeyaasha Ciidanka Mareykanka, loona diyaariyay hoggaan adag oo lagula dagaallamo argagixisada meel kasta oo ay joogaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay sii wado howl-gallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa taageerada Maraykanka iyo beesha caalamka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this