Deeq A. Posted April 14 Soomaaliya waxa ay u muuqataa in ay qaadayso tallaabo weyn oo dhanka horumarinta isgaarsiinta ah, kadib markii la shaaciyay in dalka laga hirgelinayo adeegga internet-ka ee Starlink — adeeg casri ah oo uu leeyahay Elon Musk, islamarkaana bixiya internet xawaare sare leh iyadoo loo marayo dayax-gacmeedyo ku wareegaya cirka. Starlink, oo ay horumarisay shirkadda caalamiga ah ee SpaceX, waxaa loogu talagalay in uu xalliyo caqabadaha haysta dalalka aan si buuxda u helin adeegyada internet-ka ee fiber ka(Xadhkaha dulka hoostiisa Mara). Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa dhacaysay helitaanka internet tayo sare leh, ayaa rajaynaysa in Starlink uu noqdo furaha fura albaabada horumarka cusub, gaar ahaan meelaha fog fog ee dalka. Xaqiijin Rasmi ah: Starlink oo Si Buuxda uga Hawlgalaya Soomaaliya Elon Musk, aasaasaha SpaceX, ayaa bartiisa X (Twitter) si cad ugu shaaciyay in Starlink hadda laga heli karo Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si rasmi ah rukhsad u siisay shirkadda, kadib wadaxaajoodyo adag oo socday muddo ku dhow laba sano iyo bar. Mustafa Yasiin, agaasimaha isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa arrintan ka hadlay, wuxuuna yiri: “Wadahadallo dheer kadib, maanta ayaan siinay shatiga. Waxaan rajeynaynaa in Starlink uu sare u qaadi doono tayada internet-ka ee hadda jira, sidoo kalena uu gaarsiin doono adeegga meelaha fog fog ee dalka.” Tallaabadan waxa ay si cad u muujinaysaa sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay ballaarinta helitaanka internet-ka, lana siiyo muwaadiniinta fursad ay ugu xirmaan caalamka, iyagoo aan u baahnayn xarumo ballaaran oo xadhig leh. Starlink Sidee ayuu u Shaqeeyaa? Starlink wuxuu ku shaqeeyaa hab cusub oo aan ku tiirsanayn fiilooyin dhulka la geliyo, sida fiber optic-ka. Halkii laga dhisi lahaa xarumo waaweyn oo la jaanqaada baahiyaha adeegga internet-ka, Starlink wuxuu adeegsanayaa kumannaan dayax-gacmeedyo yaryar oo meeraha dhulka dul wareegaya, kuwaas oo si toos ah u siiya adeegga dadka isticmaala iyaga oo adeegsanaya saxan yar (dish antenna) iyo router fudud. Adeegga Starlink wuxuu bixiyaa: • Xawaare Sare: Isticmaaleyaasha waxa la filayaa inay helaan internet leh xawaare gaari kara boqolaal megabits ilbiriqsikii (Mbps). • Meel kasta oo aad joogtid: Deegaan kasta oo dalka ka mid ah, xitaa meelaha aan horey u lahayn adeeg internet oo xasiloon, Starlink wuxuu siin doonaa adeeg degdeg ah oo la isku halayn karo. • Rakibid Sahlan: Looma baahna farsamo yaqaan sare. Saxanka Starlink iyo router-ka fudud ayaa ku filan in aad si degdeg ah u bilowdo adeegga. Maxaa Soomaaliya Laga Filan Karaa? 1. Ganacsiyada Ganacsiyada yaryar iyo kuwa waaweynba waxay heli doonaan internet xasiloon oo suurtagal ka dhigi doona in si hufan oo aan hakad lahayn ay ula macaamilaan suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. 2. Waxbarashada Goobaha waxbarashada ee ku yaalla deegaannada fog fog waxa ay heli doonaan fursad dahabi ah oo ay si toos ah uga qeyb qaataan barnaamijyada waxbarasho ee internet-ka ah, si fududna ula xiriiraan macallimiin iyo arday kale oo adduunka dacalladiisa ku sugan. 3. Adeegyada Dowladda iyo Hay’adaha Xarumaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya waxay heli doonaan isku xirnaan joogto ah oo dardar gelin doonta hawlahooda adeeg bixineed iyo maamulba. 4. Bulshada Caadiga ah Guryaha caadiga ah ee ku yaalla gobollada fog fog waxay heli doonaan fursad ay kaga mid noqon karaan bulshada casriga ah ee internet-ka si joogto ah u isticmaasha, taasoo xoojinaysa isgaarsiinta bulshada, fursadaha shaqo ee fog, iyo helitaanka adeegyo muhiim ah. Gunaanad Starlink wuxuu noqon karaa iftiin cusub oo Soomaaliya u ifaya, fureyna albaab horumarineed oo weyn oo gaaraya dhammaan qeybaha nolosha bulshada. Haddii si qorsheysan oo xeel dheer loo hirgeliyo, Starlink wuxuu awoodi karaa in uu si buuxda uga caawiyo Soomaaliya ka bixitaanka go’doominta isgaarsiineed, gaar ahaan gobollada fog fog ee aan weli gaadhin adeegyada caadiga Hareeri) @Rijaal Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites