Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay wefdi ka socda ururrada bulshada gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta,iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka Kooxaha argagixisada ah

Mudane Xamsa, oo tallooyin ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this