Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo $3.9 Milyan ku Taageertay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Boqortooyada Midowday ee UK ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay $3.9 milyan ku kordhisay kaalmada ay siiso Sanduuqa Taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF), kaas oo ay maamusho Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Sanduuqan ayaa hadda taageera 18,900 oo askari oo ka kala tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya. Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Sanadkii 2024, taageerada UK ayaa sababtay in 6,000 tan oo raashin ah iyo 2,000 tan oo shidaal ah la gaarsiiyo ciidamada, iyadoo sidoo kale lagu guuleystay in boqolaal askari oo ku dhaawacmay dagaallada laga daadgureeyo goobaha ay wax ka dhaceen (casevac).

Lacagtan cusub waxay si gaar ah u taageeri doontaa hawlaha muhiimka ah ee UNSOS sida:

Sii wadista bixinta raashinka ciidamada,

Shidaalka,

Daadguraynta dhaawacyada (medevac iyo casevac).

UNSOS waxay u baahan tahay ugu yaraan $2 milyan bishii si loo kordhiyo tirada ciidamada la taageerayo ilaa 20,900 oo askari, taas oo waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay lambarkiisu yahay 2767 (2024).

Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa yiri:
“UK waa saaxiib dhab ah oo Soomaaliya la leh. Waqti muhiim ah oo dagaal loola jiro xagjiriinta, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo taageeradan cusub. Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka inay iyaguna gacan ka geystaan taageerada Sanduuqa SSF si loo dhiso Soomaaliya nabdoon oo xasilloon.”

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this