Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: R/W Xamza oo ku dhowaaqay in Khaatumo ay tahay maamul ka tirsan DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xalay la kulmay waxgaradka, qaybaha bulshad iyo hoggaanka sar ee maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira aqoonsiga maamulkaas curdunka ah.

Xamza oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa marka hore ballan qaaday in bulshada SSC-Khaatumo ay heli doonaan xuquuq lamid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda maamulkaasi in ay maamulka curdunka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamza.

Intaasi kadib waxa uu si rasmi ah ugu dhowaaqay aqoonsiga SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay inuu yahay maamul jira oo kamid ah maamullada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale meesha ka saaray in lagu muransan yahay deegaannada maamulkaasi.

“DFS waxay si cad oo qoraal ah idinla qaadatay qaabkii aad wax u sameysateen si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo xeerarka u degsan dalka” ayuu mar kale yiri Xamza.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC ay tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan DFS, mana ah meel lagu mursan yahay”.

Xamza ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay SSC Khaatumo, isla markaana ay aqoonsan tahay dadaallada ay wadaan si ay u helaan maamul rasmi ah oo matala shacabka deegaankaas.

Dhanka kale, SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga qayb-galeyso shirka golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Firdhiye oo isna aqbalay.

Casumaadda Madaxweynaha SSC-Khaatumo waxaa si rasmi ah u shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo sheegay inuu imaanayo shirka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddaas isla markaana uu ka qeyb geli doono kulanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madax goboleedyada qaarkood, maadaama uu Xasan Sheekh ka reebay Madaxweynaha Jubbaland ka qeyb-galka kulankaan, halka Puntland ay is-hayaan hoggaanka Villada.

Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood, waxayna wax badan ka beddashay xiriirka SSC-Khaatumo iyo dowladda dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this