Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaal culus oo ka socda deegaanka Aboorey

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulo-burde (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo weli ka socda gudaha deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalladan oo socda in ka badan laba todobaad oo xiriir ah ayaa marba marka dambeysa sii xoogeysanaya, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah.

Khasaaraha ayaa sidoo kale sii kordhaya, maadaama dagaalka uu yahay mid xooggan oo dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in weerar culus uu xalay ka dhacay deegaanka, kaas oo lagu beegsaday goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab oo isku dayaya inay difaacdaan Aboorey oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay muddo dheer ka talinayeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in horumarka ciidamada huwanta ay caqabad wayn ku noqotay hoos u dhaca taageerada cirka ah, taas oo sii dheereysay dagaalka ka socda halkaasi.

Duqeymaha laga gaabiyay ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayo ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas jooga.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda dagaalka sii xoojineyso, waxayna ciidan dheeraad ah geysay deegaannada Aboorey iyo Yasooman, si loo xoojiyo howlgallada socda halkaasi

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada ay isku fidinayaan aagga degmada Buulo-burde oo ay hoostagaan deegaannada haatan lagu dagaalamayo, si Shabaab looga faramaroojiyo deegaannadaas oo ay ku xoogan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this