Deeq A. Posted Monday at 10:00 AM Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye oo khudbad ka jeediyay munaasibad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo la xiriira dagaalka kala dhexeeya Somaliland, isaga oo dalab culus u gudbiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Firdhiye ayaa sheegay in mar kale ay Somaliland ugu baaqayaan nabad iyo deganaan, si looga gudbo xiisadaha colaadeed ee haatan ka jira gobollad Sool iyo Sanaag. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad ku wada noolaashaha iyo deris-wanaagga, si shuruud la’aan ah. “Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxa aanu ku baaqnay nabad, welina waan ku taagan nahay. Nabad aanay shuruudi ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u u dhimayso doonistayada,” ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye. Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday in ay qaadato doorka wada-hadallada ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland, si ay xal u wada gaaraan labada dhinac oo horay ugu dagaalamay Laascaanood iyo qaybo kale oo kamid ah Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Firdhiye ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay qaataan kaalintooda, si looga maarmo in dowlado shisheeye ay soo farogeliyaan xiisaddaasi. “Xukuumadda Dan-qaran iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaataan doorka hoggaamineed ee nabadda, intii ay dawlado shisheeeye qaadan lahaayeen. Ha isu keen keento oo ha na wada hadashiiso. Wanaag aan waxba ka hoosayn ayaan u rajaynaynaa.” ayuu sii raaciyay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga waydiiyay safarka Ra’iisul wasaarihiisa ee magaalada Laascaanood uu sheegay inuu u tegay xal raadin iyo sidii nabad loogu raadi lahaa colaadihii ka dhashay dagaalladii ka dhacay halkaas, gaar ahaan arrinta SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Xamza uu halkaas u tegay, si uu u abuuro jawi wada-hadal oo ay ku kulmi karaan labada dhinac. “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Dhanka kale, Somaliland ayaa ka carootay booqashada Ra’iisul wasaaraha, iyada oo weli u aragta gobolka Sool inuu ka mid yahay dhulkeeda. Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Xamza ee degmada Laascaanood. Share this post Link to post Share on other sites