Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay arrin lagu eedeeyay oo ka dhan ah safarka R/W Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in ay joojisay duulimaadka diyaaraddii Laascaanood geysay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Bayaankan oo ay soo saartay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa lagu tilmaamay eedeymahaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Warkan ay Puntland ku sheegtay been-abuur ayaa si xawli ah ugu faafay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in Puntland ay shaqada ka joojisay diyaaraddii sidday wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxay si degdeg ah uga falcelisay arrintan, iyadoo ka digtay faafinta wararka been-abuurka ah ee marin-habaabinaya bulshada.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, ugu baaqday inay wararka xaqiiqda ah ka helaan ilo rasmi ah, isla markaana aysan ku kadsoomin qoraallo aan la xaqiijin.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in aysan jirin wax diyaarad ah oo la hor istaagay ama laga xanibay adeeggeedii caadiga ahaa.

“Ma jiraan wax duulimaad ah oo wasaaraddu joojisay,” ayaa lagu yiri bayaan ay wasaaraddu soo saartay. Waxaana intaas lagu daray in qoraallada lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya joojinta diyaaradda Ra’iisul Wasaaraha ay yihiin kuwo ay faafinayeen dad gaar ah.

Puntland waxay uga digtay dadka falalka noocan ah sameynaya inay iska ilaaliyaan fidinta wararka aan la xaqiijin, maadaama ay taasi dhaawac ku tahay kalsoonida shacabka iyo xiriirka dowladda.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in maamulka Puntland uusan raalli ka ahayn safarka Ra’iisul Wasaare Xamza, oo noqonaya markii u horreysay oo mas’uul sare oo dowladda federaalka ah ka tirsan uu booqdo magaalada Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this