RedSea Posted December 28, 2007 hadhwanaag 2007-12-27 (Hadhwanaagnews) Mugadisho-(HWN)-Ilaa 3-askari oo Itoobiyaan ah ayaa inta la ogyahay ku qudh baxday dagaal maanta ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha Soomaalida ee hubeysan ku dhex maray xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho. The hunt for the occupiers contues. The messege of the somali people is loud and clear. Leave my country or face round the clock attacks from every direction and every avenue. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 28, 2007 Ethiopian defects from the occupiers and embraces Islam. :cool: hadhwanaag 2007-12-26 (Hadhwanaagnews) Muqdisho-(HWN)-Askari ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta isku soo dhiibay kooxo ka tirsan xooggaga la dagaalama ciidamada Itoobiyaanka ee Soomaaliya ku sugan iyo kuwa dowladda Embagathi ee Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho. Askarigan maanta isa dhiibay ayaa la sheegay in loo qabtay Ashahaadateynka kadib markii kooxo afka Itoobiya yaqaana ay hadal la yeesheen. Askarigan oo gacan furan lagu soo dhaweeyay ayaa qori uu watay ku wareejiyey kooxda uu u soo dhiibay, waxaana laga soo qaaday sawiro isagoo dharkii laga bedelay, isla markaana la keenay guri ka mid ah magaalada Muqdisho. Waxa loo ballanqaaday in la geynayo meel alla iyo meeshii uu dablado, haddii uu Muqdisho iska sii joogayana uu six or ah ugu noolaanaayo isagoo aan waxba loo dhibeynin. Askarigan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada ku xareysan garoonka cayaaraha Muqdisho ee Stadium Muqdisho uuna ahaa sida laga soo xigtay ninka saadka ciidamadaasi u qaabilsanaa. Lama sheegin qaabka ay ugu sahlanaatay inuu askarigan isu soo dhiibo kooxdan iyo cidda is qaabilsiisay isaga iyo kooxda uu isu soo dhiibay, waxaase laga yaabaa in dad deris la ah xeryaha ciidamada Itoobiyaanku degan yihiin gaar ahaan xeradii uu ku sugnaa uu xiriir la sameeyay ayna u fududeeyeen arrinka goosashada. Quote Share this post Link to post Share on other sites