Sign in to follow this  
Deeq A.

Diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo laga bilaabayo Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah looga daahfuray ololaha qaran ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Waxaa la qorsheynayaa in bartamaha toddobaadkan ay magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabato diiwaangelinta muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda. Dadkaasi ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan doorashada golaha deegaanka oo loo asteeyey in ay qabsoonto bisha Juun.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in ololahaani uu yahay fursad dahabi ah oo dib loogu soo celinayo awoodda go’aan ka gaarista shacabka.

Wuxuu si gaar ah u xusay in diiwaangelinta si rasmi ah looga bilaabi doono Degmada Shangaani maalmaha soo socda, isagoo ugu baaqay shacabka gobolka in ay si firfircoon uga qeyb qaataan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in 15-ka bishaan April si rasmi ah loo furi doono goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isagoo xusay in dhammaan diyaar garowgii loo baahnaa uu dhammaaday.

Dhankiisa, Maxamed Axmed Yabooh oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa sheegay in toddobaadkan gudaheed laga bilaabi doono diiwaangelinta sagaal degmo oo ka tirsan gobolka.

Wuxuu sidoo kale xusay in maamulka gobolka uu bulshada ku wacyigelinayo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka doorashada qof iyo cod.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku qabato doorasho qof iyo cod ah, xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan in nidaam aan sax aheyn loo maray hanaankan doorasho.

da499d0e-b349-4dc2-b7e8-65f70e2c3e5e.jpe

d581c258-3750-4d47-9374-eae9fe2b5316.jpe

52173182-739d-4e8b-a2fe-5de0ab05a6fd.jpe

64e63fa7-8784-40cf-8739-c64ca1cdc160.jpe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this