Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay roobabka gu’ga oo ka curtay degaannada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1744524492596.jpg?resize=720%2C54

Roobabka gu’ga ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Puntland oo jiilaal adag iyo biya yaraani ka jirtay waxaana meelaha qaarkood ka da’ay roobab mawjiid ah oo daadad sababay.

Wararka ka imaanaya degaanka Timirshe oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari waxay sheegayaan in halkaasi uu ka da’ay roob mahiigaan ah oo sababay daadad, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Daad xooggan oo roobkaasi ku soo rogay togga Carra-weyn ee degaanka Timirshe ayaa qaatay haweeney iyo laba carruur ah kuwaasi oo meydadkooda laga helay toggaasi sida ay soo sheegayaan dad ku sugan degaanka Timirshe.

Roobabka gu’ga ayaa sidoo kale ka da’ay degaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada, Karkaar, Mudug, Nugaal, Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo dhammaantood Sabtidii shalay roobku ka curtay.

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay roobabka gu’ga oo ka curtay degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this