Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay maamul rasmi ah u aqoonsatay SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1744604084311.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xalay ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya maamul rasmi ah u aqoonsatay SSC-khaatumo.

Ra’iisul wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in SSC-khaatumo ay tahay maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn dhul iyo degaan lagu muransan yahay.

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-khaatumo tahay maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya mana ahan meel lagu muransan yahay, sidaasi darteed dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxaa ku waajib ah in ay si lamid ah maamullada kale Khaatumo ula dhaqmaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sidoo kale sheegay in maamulka SSC-khaatumo uu dowladda Federaalka Soomaaliya ka heli doono xuquuq la siman tan dowlad goboleedyada kale ku lee yihiin dowladda, kaddib markii uu ku dhawaaqay in maamul rasmi ah loo aqoonsaday.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay maamul rasmi ah u aqoonsatay SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this