Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiin ka tirsan XFS oo booqday maraakiib loo diyaariyay inuu qodo shidaalka Soomaaliya 

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa dultagay oo booqday Maraakiibta loo diyaariyay qodista Shidaalka Soomaaliya oo ku sugan badda Madow.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS, oo ay socdaalka ku wehlinaayeen quburo ka socotay Dowladda Turkiga iyo guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed ayaa lakulmay Injineerada iyo quburada qodista Shidaalka Turkiga ee Markabka Fatih, kuwaasi oo kusoo wajahan Soomaaliya si ay dhawaan u bilaabaan soo saarista Shidaalka dihan ee dalkeena.

Shaqada Sahminta Shidaalka Soomaaliya oo soo bilaabatay Dhammaadkii 2024 ayaa hadda maraysa meel gabo gabo ah, iyadoona natiijada horudhaca ah ay muujinayso in lagu guulaystay Sahminta, waxaana taasi ka dhashay in Dowladda Turkigu ay Soomaaliya u soo dirto Maraakiibta qodista Shidaalka Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this