Deeq A. Posted April 13 Waxaa hadallo duurxul iyo dhaliilo ah hawada isu mariyay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo horey usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga, iyo Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo ka tirsanaa dowladdii Madaxweyne Farmaajo. Fahad ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu u adeegayo dowlado shisheeye. Fahad mar walba eeddiisa wuxuu saaraa dowlado uu isaga dantiisa ka waayo, isagoo qof walba oo ka aragti duwan ku sifeeya inuu u adeegayo dowlado kale, sida uu isaga ugu adeegi jiray Qatar iyo Itoobiya. Wasiir Jaamacse wuxuu duray Fahad iyo kooxdiisa, isagoo ku eedeeyay inay xiriir la lahaayeen kooxda Khawaarijta ee arxanka daran, kuwaas oo dalka iyo dadkaba dhaawac weyn u geystay intii ay haysteen talada sirdoonka iyo qeybaha kale ee amniga. Wasiirku wuxuu xusay dhacdooyin caddaynaya sida Fahad Yaasiin u lumiyay miisaankiisii siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo sida isaga iyo kooxdiisu mar walba uga soo horjeedaan halganka lagula jiro argagixisada. Waxaa kale oo uu sheegay in xilligii Fahad uu madax ka ahaa hay’adaha amniga, lacagaha baadda ee Al-Shabaab lagu siin jiray mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada laga jari jiray. Waxa uu ku eedeeyay inay saami ku lahaayeen cashuuraha laga qaado shacabka, taasoo dadka ku khasbeysay inay bixiyaan baadda Al-Shabaab. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay hadalkii Farmaajo ka jeediyay 2012-kii taageerayaashiisa hortooda, isagoo sheegay in uu Muqdisho ku arkay beel dhaaftay beelaha kale 30 sano, haddii aan dib loo celin aysan suurtagal noqon doonin in dalka la simo. Wuxuu Farmaajo ku baaqay in beesha Muqdisho ay aqoon, dhaqaale, ganacsi iyo siyaasad ahaanba dhaaftay beelaha kale, loona baahnaa in dib loo celiyo si loo simo fursadaha. Jaamac wuxuu ku eedeeyay in markii Farmaajo la doortay, isaga iyo kooxda uu Fahad kamid yahay ay gacmo furan ku qaabileen kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab. Wuxuu tilmaamay in la abaabulay qaraxyo badan, suuqyo la gubay, horumar la hor istaagay, lana abuuray xasillooni darro si dhallinyarada uga cararto dalka — dhammaan waa qorshayaal lagu curyaaminayo beesha uu Farmaajo ka ciil qabay, sida uu sheegay, Fahadna uu ahaa gacantii fulisay. Waxaan leeyahay: Wasiir Jaamac waa Wasiirka keliya ee si cad u muujiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. In kasta oo ay jireen eedo iyo dhaliilo loo jeediyay muddadii uu xilka hayay, taasi ma qarinayso doorka muuqda ee uu ka qaatay la-dagaallanka argagixisada. Gunaanad: Marka laga eego danta guud ee dalka iyo dadka, doodda u dhaxeysa Wasiir Jaamac iyo Fahad Yaasiin, waxaa muuqata in Wasiir Jaamac uu yahay ninka wax u taray ummadda, halka Fahad uu yahay nin ka xun sida argagixisada loo jebiyay, boodhna isku qarinaya. W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. Share this post Link to post Share on other sites