Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo saddex qodob kala hadlay Erdoğan + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya Madasha Diblumaasiyadda Antalya ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ay ka wada-hadleen saddex qodob oo xasaasi ah.

Kulanka oo ahaa mid miro-dhal ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale si gaar ah uga wada-hadlay saddex qodob oo ku aadan iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay kulanka Xasan iyo  Erdoğan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo argagixisada, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Kulankan oo ayaa qayb ka ah shirar gaar gaar ah oo uu Madaxweynuhu ka wado dalka Turkiga, kuwaas oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee kasoo gayb-gashay Madasha Diblumaasiyadda Antalya oo looga hadlayo xaaladaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badr Abdel At oo Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynihiisa, isagoo sidoo kale u rajeeyay in la sii wado wada-shaqeynta labada dal oo haatan sii xoogeysaneyso.

Dr. Badr Abdel Aty ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo xiriirka Muqdisho iyo Qaahir oo dhowaan kala saxiixday heshiis difaac oo dhex-maray labada dowladood.

Waxaa sidoo kale, heshiiskaas qayb ka ahaa ciidamo ay Masar usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya.

Si kastaba, kor u qaadida iskaashiga labada dal ayaa ku yimid, wada-hadallo toos ah oo ay yeeshen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar,, kuwaas oo xiriirkooda sii xoojiyay intii ay taagnayd xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo haatan xal rasmi ah laga gaaray.

486209861_1124553359715802_5724407269337 487219630_1124553453049126_5970641523183 488782713_1124553493049122_4921936124150 489846577_1124553423049129_1838916838926

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this