Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC oo ka carootay hadalkii kasoo yeeray Xasan Sheekh kadib tegistii Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si caro leh uga fal-celiyay hadal xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimo la xiriira safarka ra’iisul wasaare Xamza uu shalay ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa isaga oo faah-faahin ka bixinayay ujeedka safarka Xamza, wuxuu ku sheegay inuu la xiriiro nabadda iyo midnimada dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay warbaahinta Turkiga ayaa xusay in Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu dadaal u galayo sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, isla-markaana uu halkaas u tagay si uu u abuuro jawi wadahadal oo ay ku kulmi karaan labada dhinac.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta maxaabiista ee ay weli kala haystaan maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, isaga oo tilmaamay in lagu jiro xal raadinteeda, ayna arrimahaasi qayb ka yihiin xaaladaha ka jira gudaha dalka, balse la xallin doono.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah waxgaradka SSC-Khaatumo ayaa si adag uga fal-celiyay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha, wuxuuna uga jawaabay 3 qodob oo uu ku naqdiyay tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh.

“Nimco kastaa nusqaanteeda leh. Madaxweynihii Qaranka oo xamili kari waayey soo dhoweyntii heer qaran ee loo sameeyey RW Xamza iyo xubnihii xukuumadiisa ee maanta ka degey Laascaanood. Fariinta ku dhex jirta hadalka madaxweynaha:-

1- In shacabka SSC Khaatumo ay yihiin SomaliLand, 2- In la wada hadashiisiiyo dadka reer Laascaanood iyo Hargeysa xiisada gudahooda taal, 3- Si taasi u suurto gasho, in maxaabiista la is weydaarsado” ayuu yiri Garaad Mukhtaar oo qoraal kooban soo saaray.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha uu dhabarka jabiyay ra’iisul wasaarihiisa oo hadda booqasho ku joogo Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii aad baan uga xumahay in Madaxweyne Xassan Shiikh caawa dhabarka ka toogtey Raysal Wasaarihiisii iyo Xubnihii kale ee weheliyey, isaga oo xitaa fursad siin waayey inuu sugo safarka RW Xamza dhammaadkiisa” ayuu mar kale sii raaciyay.

Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safarka Ra’iisul wsaaraha ku sheegtay mid lagu xoojinayo midnimada dalka, taasoo si weyn uga cadhaysiisay Somaliland oo weli u aragta gobolka Sool inuu ka mid yahay dhulkeeda. Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Ra’iisul wasaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this