Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo keensatay qalabkii doorashada qof iyo cod iyo halka ay ka bilaabaneyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa keensatay qalab ay sheegtay in lagu galayo doorashada soo socota, kaas oo lagu soo bandhigay munaasabad uu maanta Muqdisho ku qabtay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo faah-faahin ka bixiyay qalabka ay keeneen ayaa sheegay in maanta loo soo bandhigay dadka Soomaaliyeed, ururada syaasadda iyo saaxibada caalamka ah, si tijaabo loogu sameeyo, kahor doorashada.

“Maanta waxaan daah-fureynaa qalabka aan rabno inaan doorashada ku qabano, annaga oo u bandhigeyno dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalaka, waxaan rabnaa in qalabka la fiiriyo warbixin guudna laga bixiyo” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in waajibaadkooda ay gudanayaan, isla markaana doorashada golaha deegaanka la bilaabi doono bisha June ee sanadkan, iyada oo lagu bilaabi doono gobolka Banaadir, si dadweynaha ay usoo doortaan golayaashooda.

“Beri maahinee saa dambe dalka Soomaaliya waxaa ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta dadweynaha Soomaaliyeed oo loo diyaarin doono in bisha June sodonkeeda la qabto doorashada golaha deegaanka” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashada.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Diiwaan-gelinta waxa ay ka bilaabaneysaa gobolka Banaadir, kow waxay ka bilaaban doonto degmada Shangaani, kadibna waxaa ku xigi doono Shibis, Xamarweyne iyo degmooyinka kale, kadibna waxaa sii aadi doonaa gobollada oo dhan ee dalka”.

Dhawaan guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in illaa 5 urur ay is diiwaan-geliyeen, kuwaas oo uu tilmaamay inay noqon doonaan saamileyda siyaasadda ee saxda ah, isla markaana uu loolanka u dhexeyn doono iyaga iyo xukuumadda, shacabkuna ay u dhexeyn doonaan, taas oo caqabad ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

“Saamileyda siyaasada saxda ah waa shanta urur ee noo diiwaan gashan wixii kasoo hara waxba ma ahan isbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu raciyay “Maanta siyaasadda Soomaaliya waxa ay ka dhexeysaa shantaan urur iyo xukuumadda dalka joogta iyo Ummadda Soomaaliyeed ayuu banuuniga u dhexeeya”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay doorashada isku hayaan madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo iyagu weli diidan dhismaha guddiga doorashada iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this