Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro oo shaaciyay xog cusub oo la xiriirta aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay ololaha Somaliland ee ku aadan aqoonsiga, gaar ahaan rajada ay ka qabaan dalka Mareykanka.

Cirro oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska The New York Times ayaa rajo aad u weyn ka muujiyay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland, isaga oo ku sifeeyay “shakhsi lala xaajoon karo”, sida uu ku caddeeyay wareysiga.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u doorashadii Trump ay u noqotay fursaddii ugu wayneyd ee soo marta Somaliland, ayna ku gaari doonaan guusha ictiraafka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kalsooni wayn ay ku qabaan maskaxda ganacsi ee Trump, isla markaana labada dhinac ay kala heli doonaan fursado muhiim ah.

“Aniga iyo dadkayguba waxaan ku rajo weynahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay horseedi doonto aqoonsigeenna. Waa fursaddii ugu weynayd ee abid na soo marta,” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan la filayo in Madaxweyne Cirro uu booqasho ku tego Washington, sida uu xaqiijiyey wasiirkiisa arrimaha dibadda Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo isna dhowaan booqasho ku tegay dalka Mareykanka.

Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa indhawaanahan si weyn u kar-karinayay saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi.

Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu horay u yiri Danjire Daahir Carab.

Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this