Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo mashaariic weyn ka dhagax dhigay SSC-Khaatumo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSCโ€”Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah.

Mashaariicdan ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hirgelinaysa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka KMG ah SSC-Khaatumo.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.

Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:

๐Ÿ. ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.
๐Ÿ. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐‹๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐ง๐จ๐จ๐.
๐Ÿ‘. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐จ๐ฅ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.
๐Ÿ’. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐’๐š๐ฒ๐ข๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐.
๐Ÿ“. ๐–๐š๐๐๐จ ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฆ๐š๐ค๐š๐š๐› ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐ž
๐Ÿ”. ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐š๐š๐ง ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.
๐Ÿ•. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐๐ž๐ ๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก (๐’๐Ž๐ƒ๐Œ๐€).
8. ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ( ๐’๐ญ๐š๐ญ๐ž ๐‡๐จ๐ฎ๐ฌ๐ž ๐‡๐จ๐ฌ๐ฉ๐ข๐ญ๐š๐ฅ).

Raโ€™iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo maanta soo gaba-gabeynaya booqashadiisa Laascaanood ayaa halkaasi kulamo muhiim ah kula qaatay hoggaanka SSC, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo dowladda federaalka xaqiijisay taageeradeeda SSC, oo haatan si weyn isku hayaan Somaliland.

Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Raโ€™iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.

490737060_1026454659583680_1953848283044

490736184_1026454766250336_8342289547930

490806575_1026454772917002_1892371708779

490798194_1026455076250305_8473669484262

490475370_1026455279583618_6570222552215

490409850_1026455119583634_1942693736716

490690879_1026455226250290_5426186830729

490264521_1026454926250320_2722194142772

490813834_1026455109583635_8737852766822

490777876_1026455259583620_4600771215522

490361667_1026454719583674_8419082412107

490359849_1026454842916995_1485947672454

490293886_1026455212916958_8804890045313

490743318_1026454882916991_7628768979265

490342696_1026454822916997_4643623342108

490757657_1026454709583675_7590164780715

490293299_1026454856250327_5461326416601

490470093_1026455149583631_6939741898812

490249397_1026454999583646_3709015445942

490753834_1026455299583616_3747235559354

491350363_1026455172916962_1550786622021

490746231_1026455056250307_2576935626285

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this