Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250412_133513905.jpg?resize=860

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo ay weheliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaaladda Laascaanood ee xarunta Maamulka SSC-khaatumo.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, mas’uuliyiin ka tirsan, Xukuumadda Federaalka, Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadweynaha magalaada.

Safarka Ra’iisul wasaare Xamse ayay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka sidoo kalena inta uu Ra’iisul wasaaruhu joogo wuxuu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda SSC-khaatumo.

Sidoo kale Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhagax dhigo mashaariicyo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo bulshada.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this