Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrimaha ku xeeran safarka Xamza ee Laascaanood iyo siduu usoo afjari karo S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii sheegay inuu qorsheynayo booqasho uu ku tagayo magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Khaatumo.

Safarkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni oo uu mas’uul sare booqdo magaalada istiraatiijiga ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in booqashadu dhici doonto, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalkeeda. Waxaa hadda magaalada ku qul-qulaya wafdi horudhac u ah safarka Xamza.

Shacabka magaalada ayaa si weyn u diyaarinaya soo dhaweynta, waxaana lagu wadaa xaflad ballaaran in ay dhacdo. Wadooyinka Laascaanood waxaa durba lagu arkayaa boorarka sawirka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo shacabka ay si weyn u muujinayaan rajadooda ku aaddan safarkan la filayo.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in safarkiisu ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo, islamarkaana aan loo fasiranin mid abuuri kara kala qeybsanaan, balse ah mid lagu doonayo midnimo Soomaaliyeed.

“Booqashadayda Laascaanood waxay salka ku haysaa xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Dowladda Federaalka. Ma aha safar lagu waxyeelleynayo gobol ama maamul kale, mana aha mid lagu kala fogeynayo dadka Soomaaliyeed. Waa safar lagu mideynayo shacabka walaalaha ah,” ayuu yiri Xamza.

Wuxuu uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka Khaatumo waddaniyadooda iyo soo dhaweynta diirran ee uu dareemay xitaa ka hor intaanu gaarin magaalada.

Khaatumo waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda 25-kii Agoosto 2023, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland oo laga saaray saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla buuraha ku hareeraysan Laascaanood. Dagaalkaasi oo socday bilooyin ayaa sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca boqolaal kale.

Booqashadii ugu dambeysay ee mas’uul sare uu ku tago Laascaanood ayaa ahayd mid dhibaato sababtay.

Dilkii madaxweyne Sharmaarke

15-kii Oktoobar 1969-kii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke — oo sidoo kale ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee dalka — ayaa lagu dilay Laascaanood xilli uu booqasho rasmi ah ku jiray.

Waxaa dilay askari, taas oo horseedday in xukunka laga tuuro dowladdii markaas jirtay, waxaana xukunka la wareegay taliskii milatariga ee uu hoggaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre, oo dalka xukumayay 21 sano. Ninkii dilka geystay waa la toogtay.

Waxaa markaa la fahmi karaa sababta safarka Xamsza uu durba u kiciyay dareenno kala duwan oo xooggan.

Inkasta oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u arkaan safarka mid rajo leh, haddana waxaa jira dhaleeceyn iyo cabasho ka timid dhanka Somaliland.

Laascaanood gudaheeda, shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka waxay si diirran u soo dhaweeyeen wararka ku saabsan safarka, iyaga oo caddeeyay in Khaatumo tahay maamul Soomaaliyeed oo nabad ah, oo u furan cid walba.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Khaatumo, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xaqiijiyay in la sugayo safarka Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u diyaargarownay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka oo la filayo inuu dhowaan yimaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Maamulka Khaatumo waa midka ugu nabdoon Soomaaliya. Shacabku si weyn ayay u sugayaan safarkiisa, waxayna diyaar u yihiin inay si diirran u soo dhaweeyaan,” ayuu yiri Wasiir Xijaar.

Falcelinta Hargeysa

Dhanka Hargeysa, wararka booqashada si wanaagsan looma qaadan.

Hoggaamiyeyaal iyo dad rayid ah oo hadlay waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uusan ku soo dhaweyn karin Laascaanood, iyagoo ku eedeeyay inuu jebinayo xeerar caalami ah. Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cigeh, ayaa ku celiyay sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo si adag uga hadlay safarka Xamza.

“Madax-bannaanida Somaliland iyo dawladnimadeedu waa xaq taariikhi ah oo sharciyaysan, kuna saleysan rabitaanka shacabka. Socdaalkayaga madaxbannaanida waa mid ku saleysan adkaysi, is-maamul iyo xaq,” ayuu ku qoray bartiisa X.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasin Sheekh Cali, ayaa isaguna si toos ah ula hadlay saxaafadda Talaadadii, isagoo muujiyay dareen cad.

“Waddankeena iyo xuduudihiisa waan difaacaynaa si kasta oo ay ku kacdo. Nabaddeenna yaan loo arkin tabar-darro, balse waa dulqaadkayaga. Waxaan u aragnaa booqashadaada iyo falalkaaga mid la mid ah duullaankii Vladimir Putin uu ku qaaday Crimea iyo Donbas. Taasi ma keeneyso in Ukraine aysan jirin. Haddii aad tagto Laascaanood ama Garoowe, adigaa iska leh, laakiin annaga diyaar baan u nahay inaan is difaacno si kasta oo loogu baahdo,” ayuu yiri Wasiirka.

Mowduuca ugu hadal-heynta badan

Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa noqday mowduuca ugu weyn ee laga hadlayo guud ahaan Soomaaliya.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka booqashada inay tahay fursad lagu soo afjari karo ajandaha muddada dheer ee gooni-isu-taagga Somaliland.

Nabiil Afrax, falanqeeye siyaasadeed oo reer Puntland ah, ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay leedahay muhiimad qaran, ayna saameyn ku yeelan karto midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo xaalada gobolka Sool iyo Sanaag.

“Booqashada Xamza waxay calaamad u tahay jebinta sheegashada Somaliland ee gooni-isu-taagga, waxayna ka careysiin doontaa siyaasiyiinta Hargeysa ee mabda’aas shacabka ka iibinaya. Laascaanood muddo dheer waxay ahayd meel lagu loollamo. Dad badan oo waddani ah waxay safarkan u arkaan mid lagu adkeynayo midnimada qaranka,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in guusha safarka ay ku xirnaan doonto sida dowladda dhexe ay ula macaamisho Maamulada Khaatumo iyo Puntland. Wuxuuna ku daray in tijaabada dhabta ah ay tahay in safarku nabad ku dhammaado.

Cabsi amni

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha amniga ayaa muujiyay walaac la xiriira booqashada, iyagoo tilmaamay in ay xambaarsan tahay khataro siyaasad iyo amni.

“Waxaan ka walwalayaa ammaanka Ra’iisul Wasaaraha marka uu tago Laascaanood. Inkasta oo Khaatumo haatan xor tahay, Hargeysa iyo Garoowe ma ogolaan doonaan in uu booqdo dhul ay iyagu sheegtaan. Waxaa sidoo kale jira khataro kaga iman kara kooxaha sida Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Cabdi Cali, oo ah falanqeeye siyaasadeed.

Laascaanood waxay ku taallaa gobolka Sool, oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe — kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa lahaanshaha magaalada tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

25-kii Agoosto 2023, Laascaanood waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay tahay deegaan xor ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhawaysay, waxayna aqoonsatay Khaatumo inay maamulka ugu cusub ee dalka, loona diyaarinayo dowlad goboleed.

Laascaanood waa magaalo leh taariikh qoto dheer, waxaana inta badan lala xiriiriyaa halgankii gobonnimada. Waxay u dhowdahay magaalada Taleex oo ahayd xaruntii Daraawiishta uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan — halyeygii Soomaaliyeed ee la dagaallamay gumeystihii Ingiriiska.

Jaamac Cali, darawal ka shaqeeya Laascaanood, ayaa rajo ka muujiyay safarka, wuxuuna codsaday in taallo loo dhiso halyeyga Soomaaliyeed ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

“Waan soo dhaweyn doonnaa Ra’iisul Wasaaraha, waanan ilaalin doonnaa sidii ukumo. Haddii uu yimaado, waxaan rajaynayaa inuu taallo weyn ka dhiso bartamaha magaalada — taallo loogu magac daro Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, aabbihii halganka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jamaac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this