Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta dagaal culus oo mar kale ka qarxay GEDO

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas mar kale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu saacadihii lasoo dhaafay si xoogleh uga socday duleedka degmada Luuq, iyadoo rasaas xoogan la maqlay gudaha degmada. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa la sheegayaa inay isticmaalayaan hubka noocyadiisa kala duwan, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalkan dib u qarxay ayaa daba socda dagaallo horey uga dhacay magaalada Luuq, kuwaasoo sababay xaalad amni darro oo isa soo taraysa.

Sida la og yahay, labada dhinac ee dagaalamaya ayaa horey ugu muransanaa maamulka degmada Luuq iyo sidoo kale aargoosi ku saleysan dilal hore u dhacay. Waxaa la xusuustaa in dhowr jeer oo hore ay isku dhaceen isla beelahan, balse aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafkooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, oo uu hormuud u yahay madaxweyne ku-xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan, ayaa horey ugu guuldareystay in ay xaliyaan xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Inkasta oo dadaallo nabadeed la sameeyay, haddana dagaalka ayaa si kedis ah dib ugu qarxay, taasoo muujinaysa sida xal waara looga gaari la’yahay arrinta.

Odoyaasha dhaqanka ee degmada Luuq ayaa cod dheer ku baaqay in la joojiyo dagaalka, iyagoo ka digay inuu khasaare hor leh dhaliyo. Baaqyadaas nabadeed weli ma aysan yeelan wax saameyn ah, maadaama dagaalkii uu sii laba kacleeyay mar kale.

Dagaalamayaasha labada beelood ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hase yeeshee heshiiskaasi ma noqon mid waara.

Markii heshiiskaasi burburay, waxaa muuqata in beelahaasi ay mar kale u laabteen adeegsiga hubka. Ilaa iyo hadda lama oga tallaabada ay qaadi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ku aaddan xallinta colaaddan ka taagan Luuq.

Colaadda sii kordheysa ee degmada Luuq ayaa walaac weyn ku abuurtay bulshada deegaanka, kuwaasoo baaqyo isdaba joog ah u diraya dhinacyada dagaalamaya iyo dowladda, si loo soo afjaro rabshadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this