Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo casuumad u diray madax goboleedyada marka laga reebo Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025, ayaa casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri: “Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May), ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimada qaranka iyo sidii wadajir loogu dhammeystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horrayso xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.”

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda loo diray dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe. Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in uu casuumo Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad.

Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka.

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale diiday codsi uga yimid wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, oo ku saabsanaa in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this